Search

Ogaadeen Mise Ooga-degeen (Qalinka: Cali Cabdi Coomay)

Afeef: Qormadani maaha mid ku salaysan nacayb, cunsuriyad ama qabyaalad ku socota Beesha Ogaadeen, balse waxa aan ka hadli doonaa taariikhiyan magaca Ogaadeen halku uu ka yimid, iyo haddiiba uu yahay abtirsiin Beeleed.
Ka hor inta aynaan bilaabin Qormadan, bal aynu sharaxaad kooban ka bixino deegaanka Soomaalida Itoobiya oo wakhtigan casriga ah loo yaqaan Soomaalida Kililka Shanaad ee Itoobiya. Guud ahaan dadyowga Soomaalida ah ee geeska afrika ku dhaqani waxa ay ka koonayeen laba qaybood oo kala ahaa: Kow, xoolo dhaqato iyo Beeraley, iyadoo dabaqad kasta xirfadeeda loogu magac-dari jiray.
Dhinaca Soomaalida Itoobiya magaca Beeraley waxa loo yaqaan Qodaal, hasa yeeshee deegaanka aan Beeraha lahayn waxa dhulka loo kala saaraa,”Guban” oo ah dhulka kulul ee ku foorara badda iyo “ Oogo” oo ah dhulka carrosanka ah ee xeebaha ka dururgsan. Dhulka Soomaalida Itoobiya waxa look ala saaraa Qodaal oo Beeraley ah iyo Oogo oo ah dhulka sarreeya. Beeraleyda Soomaalida Itoobiya waxa loo yaqaan Qoti, oo waxa loogu magac-daray shaqadoodii xirfadeed ee Qodaal. Taasi beddelkeed magaca xoolo dhaqatadu waa Oogo-degeen, iyadoo nuxurkeeduna yahay raacatada dusha sare degta. Sidii kolba heerar kala duwan u soo marayey ugu dambayentii magacii Qodashada Beeraha ee Qoti wuxuu isu-beddelay hayb qabiil oo ah Qotida oo ilaa maanta loo yaqaano Beeralayda Soomaalida Itoobiya. Magaca Qoti wuxuu si rasmi ah u nasakhay haybtii qabiiladu hore u sheegan jireen, waxaanu noqday hayb lagu midoobay, oo nuxur ahaan ka taagaan ficilka tacabka beeraha. Sida Qotida oo kale Beelihii xoolo-raacatad ahaa oo ku midaysan haybta Oogo-degeen ama Oga-aadeen, iskana iloobay haybtii qabiiladii ay horey ugu abtirsan jireen ayaa Dabayaaqadii qarnigii 17aad jabkii Boqortooyadii Ajuuraan, waxa lala kulmay tafaraaruq look ala miirmay jufo-jufo. Dhibtaasi ka dib waxa soo baxay in magacii Ooga-degeen ama Oga-aadeen isu-beddelay hayb qabiil oo uu noqday Ogaadeen, maadaama oo labada magac dhawaqa ahaan isku dhaw yihiin xaga odhaahda, balse ay kala dhigmo yihiin. Wuxuu Ooga-degeen ama Ooga-aadeen isku-beddelay Ogaadeen Absame Daarood, waxaanu nasakhay magacii Ooga-degeen. Soomaalida Itoobiya tirade Beelaha ku dhaqan dhulkaasi marka Beel Beel loo qiyaaso ayaa la moodaa in Beelihii ku midoobay magaca cusub ee Ogaadeen ay ugu tiro badan yihiin. Taasina waxa ay keentay in Soomaalidii Itoobiya dhulkoodii loogu yeedho “Ogaadeeniya”, oo Soomaalidii kale magacoodii la qariyo. Sannadkii 1970-kii wixii ka horreeyey gobollada Waqooyi-Bare ee imika la yidhaa Puntland waxa la odhan jiray Majeerteeniya, oo waxa ay is-shabahayeen Ogaadeeniya, balse Taliskii Maxamed Siyaad ayaa magacii u beddelay Gobollada Bari iyo Nugaal, isagoo magac-qabiil keliya ah ku diiday in la huwiyo gobollo ay beelo kala duwani ku nool yihii.
Baadhitaanka Taarikheed Ee Magacan Ogaadeen
Magacan Ogaadeen wuxuu soo shaac-baxay wixii ka dambeeyey qarnigii 17aad , marka raad-raac taariikheed lagu sameeyo deegaanka Soomaalida Itoobiya ee maanta loo yaqaan Kililka shanaad, waxa si fudud loo ogaan karaa in magacan Ogaadeen Yahay mid dhawaan soo if-baxay, bal aynu eegno Taariikhaha magacan:
Maamuladii Islaamka ahaa ee ka jiri jiray nawaaxigaas qarnigii 14aad iyo 16aad magacyadda qabaa’iilka ee ku qoran kutubta taariikhda lagama heli karo ama kuma jiro magaca Ogaadeen. Xukuumaddii Islaamiga ahayd ee lagu magaacabi jiray Adal ama Cadal waxa ay ka koobnayd 9 saldano oo kala ahaa: Harar, Ifat, Fatajar, Hadiya, Dawaro, Arabiin, Sharka, More iyo Balli. Xukuumadaa islaamig ahayd waxa lagu xusay magacyada Beelihii Soomaalida ahaa ee ka tirsanaa ciidankii Xukuumadaasi. Beelahaasi waxa aynu ka xusi karnaa: Xarla, Mareexaan, Yabaree, Bartire, Gurgure, Ciise iyo Madigaan. Balse meelna kuma arkaysid magaca OGAADEEN meel uu ku jiro.
Buugga FUTUXAL XABASH oo si balaadhan loogu faahfaahiyey Beelaha degan dhulka Soomaalida Itoobiya, meelna laguma sheegin magacan OGAADEEN, balse waxa lagu sheegay inta badan Beelaha deagan dhulkaasi. Ciidankii Axmed-Guray oo ka koobnaa inta badan shacabka ku nool Soomaalida Itoobiya mar haddii laga waayey magaca OGAADEEN, taasi waxa ay caddaynaysaa in magacan OGAADEEN soo baxay wixii ka dambeeyey qarnigii 17aad.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac: Tiirka Colaadda (2005)…….C/qadir Aroma




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *