BREAKING NEWS
Search

Odayaashii Boorama Looga Soo Xidhay Dablaydii Weerartay Badhasaabka Awdal Oo Qaar Ka Mid Ahi Diideen In La Siidaayo,Iyo Maayarkii Hore Oo Jeelka Lagula Hadhay

Xukuumadda Oo Ergo U Dirtay Shan Oday Oo Ka Mid Ah 8-Oday Oo U Xidhan Weerarkii Ramaax Loo Gaystay Oo Shuruud Ku Xidhay Siidayntooda

Hargeysa (Foore) – Odayaal uu ku jiro Maayarkii hore ee Boorama Saleen Xassan Xaddi oo dhawaan loo soo xidhay shaqaaqo ka dhacday Magaalada Boorama ayay shalay Xukuumaddu siidaysay qaar ka mid ah balse sida la sheegay waa ay ka diideen waxaanay dalbadeen in la sii wada daayo ama loo daayo xadhigooda,waxaana markii dambe ay Xukuumaddu u dirtay Ergo Odayada ganafka ku dhuftay siidaynta Xukuumadda.
Illo wareedyo naga soo gaadhay qaar ka mid ah ehelada Odayaasha reer Boorama ee ay Xukuumaddu u soo xidhay weerarkii dhawaan loo gaystay Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa lagu sheegay in odayadaasi oo ka kooban 8-oday ay Xukuumaddu warqad siidayn ah u dirtay 5-ka mid ah odayadaasi Saraakiisha Amniga iyo ciidanka illaalada Xabsiga dhexe ee Hargeysa shalay galinkii hore balse sida wararkani lanoogu xaqiijiyay,shantaasi oday ayaa ganafka ku dhuftay inay xabsiga ka baxaan waxaanay dalbadeen in la sii wada daayo ama ay wada xidhnaadaan,waxaana markii dambe Ergo ahaan loogu diray saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga oo ay isku ehel yihiin Odayadaasi kuwaasi oo Shalay duhurnimadii ku hor sugnaa jeelka weyn ee Hargeysa oo ay odayadaasi in mudo ah ku xidhan yihiin.
Saddexda Oday ee ay Xukuumaddu xabsiga kula hadhay ayaa waxa ku jira Maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xassan Xaddi,waxaana sida la sheegay meel adag ka istaagay in la siidaayo Badhasaabka Awdal Maxamuud Saleebaan Cali Ramaax,oo markii horena xadhigooda iyo soo qabashadooda ka hawlgalay. Shalay duhurnimadii ayaa warqada siidaynta ah la geeyay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa,waxaana markii dambe jeelka iskugu jimid saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga iyo CID-da oo Masladaax iyo baryo ula tagay Odayaasi Xukuumaddu siidaysay ee diiday inay jeelka ka baxaan,iyadoo gaadhigii qaadi lahaa shanta oday uu ku hor sugnaa jeelka hortiisa balse ay diideen inay fuulaan illaa la sii wadadaayo. Shanta oday ee ay Xukuumaddu siidaysay ee shuruuda ku xidhay siidayntooda ayaa waxa ka mid ah odaygii shirkada Qaadka Boorama ee Dubaalka iyo Nin sarifle ka ahaa Boorama oo la yidhaa Idiris oo isna loo soo xidhay weerarkii badhasaabka loo gaystay.
Lama garanayo in odayadaasi markii dambe yeeleen inay ka baxaan jeelka iyo inkale balse waxay si adag ula hadleen saraakiishii siday warqada siidaynta ah oo ay u sheegeen inay warqada halkii ay ka keeneen ku celiyaan,waxa ay sheegeen inaanay ka baxay jeelka ilaa la sii wada daayo dhamaantood ama lawada xukumo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *