Search

Nuxurka Dacwad Liddi Ku Ah Taliyaha Bilayska, W/Xigeenka Amniga Iyo Badhasaabka M/Jeex Oo Labada Xisbi Mucaarid U Gudbiyeen Maxkamada Sare

Hargeysa (Foore) – Labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland WADDANI Iyo UCID ayaa Dacwad ka dhan ah Amar ay xukuumadu ku soo rogtay dhaq dhaqaaqooda Shalay u gudbistay Maxkamada Sare ee Somaliland, waxa ay si adag uga hadleen laba qodob oo ay xukuumadu u adeegsatay kuwaasi oo ay Axsaabta Mucaaridku u arkaan inaanay Xukuumadu xaq distoori ah u lahayn inay ula timaado ama ay ku cabudhis,waxaana la si weyn looga dhur sugayaa jawaabta ay Maxkamada Sare ka bixiso dalabka Mucaaridka ula tageen.
Nuxurka qoraalka warqada ay u gudbiyeen Labada Xisbi Mucaarid Maxkamada Sare ee Somaliland oo ay ciwaan uga dhigeen Dacwada Hor dhac ah oo Idaari ah ayaa waxa ay u dhignayd sidan: Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI waxa ay Maxkamada Sare ee Sharafta leh Halkan ugu soo gudbinayaan cabasho aanu ka qabno amaro ka soo baxay wasiir ku xigeenka Amniga,Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Saddexoodaba,kuwaasi oo ka baahiyay qalabka Warbaahinta.
Waxa ay ku soo ururiyeen qoraalka dacwadooda laba qodob oo ay ku sheegeen in Xukuumadu u adeegsatay,labadaasi qodo oo kala ahaa:
-Inaan Xisbiyada Qaranku Isugu iman Karin shir ay ku balameen inay kaga hadlaan arimaha ku saabsan doorashooyinka oo mudadoodii muran ka taagan yahay.
-Inay Amar ku soo rogeen hudheelada magaalada Hargeysa inaanay Xisbiyadu shirar ku qabsan Karin.
Waxa ay qoraalka warqada ay geeyeen Axsaabta Mucaaridku ku sii yidhaahdeen oo ay intaasi ku sii dareen sidan : Waxaanu qabnaa in amaradaasi ay lidi ku yihiin sharciyada Xisbiyada Qaranka,Xuquuqda Aasaasiga ah ee Muwaadinka, Iyo Distoorka dalka intaba.
Waxa ay ka codsadeen Maxkamada Sare ee Somaliland inay hakiso amarka xukuumada ka soo baxay ee lagu xakamaynayo shirarkooda waxaanay yidhaahdeen sidan “Sidaas darteed waxaanu maxkamada sare ee sharafta leh ka codsanaynaa inay hakiso amaradaasi lidka ku ah xeerka Xisbiyada,Xuquuqda Distooriga ah ee muwaadinka iyo Xorriyaadka Ganacsiga Intaba”.ayay qoraalka Maxkamada u gudbiyeen ku soo koobeen.
Shacabka Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya jawaabta sharci ee ay ka bixiso Maxkamada Sare ee Somaliland qoraalka dooda sharci ku salaysan ee ay Axsaabta Mucaaridku u gudbiyeen Shalay,waxaanay ku soo beegmaysaa wakhti maxkamada sare dhawaan loo dhiibay oo uu ku cusub yahay Aqoon yahay aad u da’yar oo dhalinyar ah oo lafilayo inuu aad uga fiirsado arimaha noocan oo kale ah ee aanu ku deg degin.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *