Search

Nuqul Kitaabkii Tawraad Ah Oo Jiray In Ka Badan 700 Oo Sanadood Oo Laga Helay Dalka Ciraaq

Ciidamada ammaanka dalka ciraaq ayaa helay qoraal-gacmeed duug ah oo ku xardhan saan amma harag la khafiifiyey kaasi oo taariikh ahaan u noqonaya 700 oo sanadood ka hor. Xildhibaan Hana Addaa’I oo ka mid ah xildhibaanada isbahaysiga qaanuunka dalka Ciraaq ayaa khamiistii warbaahinta u sheegtay in magaalada Baqdaad ee caasimadda ah laga helay qoraal gacmeed ku xardhan saan ka samaysan harag xoolaad kaasi oo ay ku xardhan tahay qaybo ka mid ah kitaabkii tawraad ee lagu soo dejiyey Nabiyullaahi Muuse Calaysi Salaam, nuqulkaasi duugga ah oo ay ku sheegtay in uu ku qiimaysan yahay in ka badan 50 Malyuun oo dollar.
Marwo Hanaa Al-daa’i oo u warramaysay wakaaladda wararka wadanka Ciraaq ayaa sidan tidhi: “Xoogagga ammaanka wadanka Ciraaq, gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah ula dagaalama ka hor tagga argagixisada iyo ilaalinta amniga qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay qoraalkan Kitaabta Tawraad iyaga oo ka soo qabtay Jidka Shaarac Al Xayfaa ee magaalada Baqdaad iyada oo la doonayay in dalkaasi laga saaro qoraalkan taariikhda ah oo si qarsoodi ah loogu tahriibiyo dalalka dibadda gaar ahaan Israa’iil. Qoraalkan ka mid ahaa Kitaabkii Tawraad waxa lagu qiimeeyey lacag ahaan in la siisan karo 50 Malyuun oo dollar” ayay tidhi Al’daa’i.
Wasaaradda aqoonta iyo tacliinta sare ee dalka Ciraaq ayaa 13kii May 2010 waxa ay sheegtay in heshiis ay dawladda ciraaq la gashay dalka Maraykanka la iskula meel dhigay in dalka Ciraaq dib loogu soo celiyo walxo taariikhi ah oo laga qaatay dalka Ciraaq mudadii dagaaladu ka socdeen kuwaasi oo loo geeyey dalal dibadda ah sidoo kale waxa ay gaar u codsadeen in la soo celiyo alaabo taariikhi ah oo keydka ku jiray oo ay lahaayeen Yuhuudda degta dalka Ciraaq.
Qoraalkan taariikhiga ayaa ka kooban ku dhawaad 45 aayadood ama qaybood oo ka mid ahaa Kitaabkii Tawraad ee lagu soo dejiyey Nabi Muuse (Calaysi Salaam), waxaana si weyn qoraalkaasi u danaynaya wadanka Isra’il maadaama taariikh ahaan dadka reer Bani Isra’il ay ahaayeen kuwii loo soo diray Nabulillaahi Muuse (CS). Wasiirka dhaqanka dalka Ciraaq ayaa warbaahinta u sheegay in ay daba gal ku hayaan sidii dalkaasi loogu soo celin lahaa kumannaan agab qaali ah oo taariikhi ah kuwaasi oo dalka Ciraaq laga bililiqaystay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen iyada oo la faaruqiyey matxafyo waaweyn oo ay ku keydsanaan jireen agab iyo walxo taariikhi ahi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *