Search

Nolol-Doonka Oromada Ah Oo Halis Weyn Oo Siyaasadeed Iyo Bulsheed Ku Haya Somaliland Iyo Dhoy La’aanta Xukuumadihii Kala Dambeeyey

Hargeysa (Foore)- Iyada oo ay maanta oo Sabti ah ku beegan tahay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga adduunka, sannad walbana laga xuso dunida maalintan oo ah 20-ka Bisha June ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa wakhti ay Somaliland buux dhaafiyeen Bara-kacayaal aan tiro sugan laga hayn kuwaasi oo dhawr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey dalka ku soo qulqulaya una badan Qawmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Koonfureed, halka ay sannadkan ku soo kordheen Qaxooti badan oo Yamaani ah oo ka soo firxaday dhibaatada dagaal ee ka taagan dalkooda. Dadka Qaxootiga ah ee tirada badan ee ku sugan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegaa in ay ku hayaan dhibaatooyin dhaqaale iyo culays bulsheed oo daran taasi oo aanay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray iska xil saarin in ay dadkaasi si rasmi ah u diiwaan geliyaan una sameeyaan qorshayaal dib u dejineed ama ay dalalkoodii ku celiyaan. Waxaana culayskaasi oo sannado badan dalkan saarnaa ku sii kordhay wakhtigan qaxootiga Yamaneed ee ku sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo iyaga laftoodu xaalad adag ku sugan oo u baahan gargaar iyo tabaabulshe culus oo loo galo.
Inkasta oo aanay Somaliland ahayn dal dunidu aqoonsan tahay oo ay u arkaan qayb ka mid ah dalkii burburay ee Soomaaliya haddana 24-kii sano ee ay jirtay waxa dalka si weyn u soo galayay qaxooti, dad barakacaal ah iyo dad aan qaxooti loo aqoonsan Karin balse nolol doon ah kuwaasi oo ka kala yimaadda inta badan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya. Tan iyo mudadaasi, Somaliland beesha caalamka kama helin daryeel iyo dhaqaale ay dadkaasi ku dejiso ama siiso noloshoodana ku taageerto balse taa baddalkeeda waxa ay dadkaasi dul saar ku noqdeen noloshii marka horeba liidatay ee shacabka Somaliland oo ah mid iyagu aan beesha caalamka ka helin wax caawimaad ah.
Nolol-doonka Oromada ah:
Haddii aynu si gaar ah u soo qaadano waxa dalka maalinba maalinta ka dambaysa soo gaadhaya oo ku sii tarmaya dad ka soo hayaamaya wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya kuwaasi oo u badan Qowmiyadda Oromada. Dadka Oromada ahi kama soo yaacaan dagaalo dalkooda ka tagaan balse waxa ay dalka u soo gaadhaan ujeedooyin kala duwan sida:
1-Magan-galyo-doon siyaasadeed oo dalkooda uga soo fakaday arrimo siyaasadeed (Tiro ahaan ma badna kuwani)
2- Dad nolol doon ah oo dalka u soo gaadhaya in ay ka helaan nolol dhaanta ta dalkoodii ay uga soo yaaceen (Waa Kuwan Kuwa Ugu Tiro Badani)
3- Kuwo kale oo doonaya in Somaliland ay u noqoto waddan ay uga sii gudbaan dalalka kale ee khaliijka Carabta sida Yemen iyo Sucuudiga (Ka Hor dagaalada Yemen intii aanay qarxin)
Dhammaan haddaba dadka Oromada ah ee dalka deggan oo aad u tiro badan, illaa imika lagama hayo xog rasmi ah oo sugan. Ma jirto xukuumad iska xil saarta in ay mar kali ah siyaasad cad ka qaadato dadkaasi Oromada ah oo dalka si weyn ugu tarmaya maalinba maalinta ka dambaysana soo buux dhaafinaya magaalooyinka waaweyn. Dad badan ayaa ku doodda in Oromadu ujeeddo intaasi oo dhan ka fog leedahay iyaga oo dalkan u arka in ay iyagu lahaan jireen amma leeyihiin sidaa darteed doonaya in ay ku noolaadaan kuna sii tarmaan. (Tani waa dood u baahan in la is dul taago oo la axadho).
Qaxootiga Soomaalida (Soomaaliya):
Somaliland ah oo ah dal nabadgelyadiisu wanaagsan tahay waxa ay keentay in ay Soomaali badan oo ka soo hayaantay wadanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay soo gaadhaan sannadihii dagaaladu sida xidhiidhka ah dalkooda uga dhacayeen. Dadka Soomaalida ah ee Soomaaliya ka yimid kuna sugan dalka Somaliland waxa ay u qaybsamaan dhawr kooxood oo kala ah:
– Kuwo dhaqaale ahaan iska ladan oo dibadaha laga soo biiliyo, xaalado nabadgelyo ahna uga soo barakacay dalkooda halkanna nolol ku haysta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *