Search

“Ninkii Xoolaha Nalaga Dhacay Qaatay Waa Naloo Xidhay, Laakiin Waxa Xoog Kusii Daayey Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda”

Hargeysa(FOORE)-Ganacsato rag iyo dumar iskugu jirta oo kasoo jeedda Dawlad-deegaanka Ethiopia, ayaa si weyn uga qayliyey dhac ay sheegeen inay u geysteen shakhsiyaad dhalasho ahaan kasoo jeeda Gobolka Togdheer, iyagoo xubno xukuumadda katirsanna ku eedeeyey inay garab siiyeen Dadka dhaca geystay. Xub nahan oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa sheegay in lacago tiro badan oo laga siistay xoolo nool ay laga ammaahday ay xoog kaga haystaan Shakhsiyaad Reer Burco ahi, waxana ay xukuumadda ugu baaqeen innay arrintaas si degdeg ah wax uga qabato. Xubnahani waxa ay sidoo kale carrabaabeen xubno xukuumadda madaxweyne Siilaanyo katirsan oo ay ku eedeeyeen inay gacan siiyeen xubnaha dhaca lagu eedaynayo, isla-markaana kala dagaallameen tallaabooyin dhinaca sharciga ah oo dadkan dhibanayaasha ahi sheegeen inay mareen.
Xubnahan oo sharraxaya lacagta ka maqan iyo sida ay uga maqan tahay, ayaa waxa Hadalloodii kamid ahaa, “waxanu halkan isku keen yeedhnay dhib Magaalada Burco naga haysta, annagoo iskugu jirna Ganacsato kasoo jeedda Deegaano ku yaalla Soomaalida Ethiopia. Cabashadayadu waxa la xidhiidhaa xoolo cadadkoodu dhan yahay $229,000. Oo horaantii bishii toddobaad ee Sanadkii ay naga daynsadeen nimanka magacyadoodu kala yihiin maxamed xaashi iyo Yuusuf xaashi ee Maxjarka ka samaystay Galbeedka Burco, xoolahaasi oo kala ahaa Adhi iyo Lo’ Hargeysa, wajaale iyo meelo kaleba laga leeyahay.” Ayuu yidhi mid kamid ah Dadka dhibbanayaasha ahi. Iyagoo hadalkooda sii wata, ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer Maxamed Jaamac Cashuur iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid ay si xoog ah kusii daayeen dadkii lacagahaas loo tirinayey oo lasoo xidhay, waxana hadalladoodii kamid ahaa “Dadkii kale ee u badnaa Reer Waqooyiga intoodii badnayd xoolahoodii waa la siiyey, laakiin annaga lacagtaas oo muddadeedii markii ay dhamaatay naloo diiday, dawladdana waanu u tagnay oo laba bilood iyo shan iyo toban cisho bay noo qabatay, markii muddadaasi dhammaatayna ninkii xoolaha naga qaatay ee na dhacay waa naloo xidhay, laakiin waxa xoog kusii daayey oo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudane Cashuur iyo wasiiru-dawlaha Maaliyadda Mudane Caddaani.”

Mid kamid ah dadka lacagtaas sheegayana oo baaq u diraya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo midda Ethiopia-ba ayaa waxa uu yidhi,“xukuumadda waxanu u sheegaynaa inaynu deris nahay oo aan la is dhici Karin, Dawladdayadana waxanu ogaysiinaynaa inay lasoo hadlaan Safiirka Halkan u fadhiya, Maalintii ugu dambaysayna waxa nalagu yidhi wax allaale iyo wixii aad dili kartaan iyo wixii aad dhici kartaan dhaca.” Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maxamed Jaamac Cashuur, ayaa isagu eedahaas iska fogeeyey, waxana uu tilmaamay in Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Togdheer uu u gacan dhaafay Shaqadii Maxkamaddu lahayd oo aanay isaga cidiba soo gaadhin, waxana uu yidhi, “maalin bay odayaal kililka shanaad ka tirsani ii yimaaddeen oo iyagu yidhaahdeen ninbaa na dhacay.ninkii na dhacayna waxa noo xidhay Badhasaab-ku-xigeenka’e ma adigaa naga sii daayey, aniguna waxan ogaaday arrin na dhexmartay aniga iyo badhasaab ku xigeenka Gobolka oo kiisaska madaniga ah ay geeyaan Xafiiskiisa,kiisas aanu hayno oo badan ayuu badhasaab-ku-xigeenku faraha la galaa, aniguna ma odhan karo qofna kiis ma furin kartid”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *