Search

Ninkii Waxbarashada U Oomanaa- Mucjisada Nin 30 Sanno Gudahood Ku Qaatay In Ka Badan 145 Shahaado Oo Jaamacaeed!

Inkasta oo muddo warbaahintu kiiska ninkan wax ka qoreen haddana xaqiiqada arrinkiisa aad looma soo ban dhigin. Waana mid ka mid ah mucjisooyinka wakhtigan casriga ah ka dhacay dunida ee la xidhiidha dhinaca waxbarashada. Waa nin loo aqoonsaday in uu yahay kan ugu waxbarashada jecel dunida dadka adduunka ku nool. Professor VN Parthiban wuxuu wax ka dhigaa Jaamacadda Chennai University ee dalka Hindiya, wuxuuna haystaa 145 shahaaho oo Academic Degrees ah.
Muddo 30 sanno ah ayey ku qaadatay VN Parthiban inuu helo 145 Academic Degrees ah, wuxuuna haatan caddeeyey in aanu qorsheyneyn inuu waxbarashada iska joojiyo oo uu sii wadan doono sidaana loogu aqoonsaday mid ka mid ah dadka adduunka ugu waxbarasho jecel. Parthiban wuxuu bilaabay waxbarashadan joogtada ah ka dib markii uu ku dhibtooday Waxbarashada Dugsiga sarre markiisii ugu horreysay, wuxuuna ku dhacay Imtixaanka kama dambeysta ah.
Wixii intaas ka dambeeyey Parthiban ayaa go’aansaday inuu raadsado Shahaadooyin leh dhibco ku filan, markii uu helay Shahaadada labaad ee dugsiga sarre wuxuu raadsaday mid seddaxaad, wixii intaas ka dambeeyey 142 shahaado oo Academic Degree ah ayuu shaqeystay.
Parthiban wuxuu daaha kaga qaaday wareysi uu siiyey majaladda Sunday Indian inuu barto koorsooyin kala duwan oo dhanka online-ka ah kuwaasoo isku waqti ah, wuxuuna shaqadan waday 30kii sanno ee ugu dambeysay. Wuxuu haatan sheegay inuu isku diyaarinayo imtixaanno kusoo fool leh, isla markaana uu sii wadan doono codsiga koorsooyinka ha ahaadaan kuwo Academic Degree ah ama Diploma Courses ahe.
Liiska shahaadooyinka uu heysto Parthiban waxaa ka mid ah 3 Master of Science degree ah, 8 Master of Law degree, 8 Master of Commerce degrees, 9 Master of Business Administration degrees, 10 Master of Arts degrees, iyo 12 various research degrees!
Sheekada VN Parthiban waxay kusoo xusuusineysaa sheekadii Luciano Baietti, oo ah ninka heysta shahaadooyinka Jaamacadeed (Most University Degrees) waana 15 shahaado oo kala duwan. Balse ninkani waxa uu noqonayaa mid sidaa ku galaya taariikhda adduunka isaga oo dhawaan ku biiray buugga lagu ururiyo dhacdooyinka layaabka leh ee mucjisada ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *