Search

Ninkii Gawraca Dadka U Qaabilsanaa Daacish Oo Soomaaliya Usoo Guuraya Kuna Biiraya Al-shabaab Iyo Walaaca Masuuliyiinta Maamulada Soomaaliya

London (Foore) – Wargeyska The Mirror ee ka soo baxa dalka Britain, ayaa qoray Warbixin la xadhiidha in Maxamed Emawazi oo loo yaqaano Jihadi John kana mid ahaa Saraakiisha sare ee Kooxda Daacish uu qorsheenayo in safar qarsoodi ah ku yimaado Dalka Soomaaliya,una soo guuro.
Jihadi John ayaa kooxda Daacish u qaabilsanaa qoyr-goynta dadka ajaaniibta ah, waxa uuna ninkani kasoo muuqday Warbaahinta isaga oo wajiga qarsaday qoortana ka jaraya dad badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay Dalka Britain oo lagu kala magacaabi jiray David Haines iyo Alan Henning.
Wargeyska The Mirror, ayaa qoray in Maxamed Emawazi oo hore loogu yaqaanay John uu hadda wajahayo cabsidii ugu xoogganayd ee noloshiisa, waxa uuna ninkan xadhiidh la soo sameeyay kooxo Islaamiyiin ah oo ka dagaalama dalka Siiriya mucaardna ku ah daacish si uu ugu biiro uguna dhex badbaado, kooxda Daacish ayaa la sheegay in ay dhinac isaga riixeen ninkan,iyagoo ka cabsi qaba in lagu soo bartilmaadeedsado maadaama oo uu noqday ninka qudha ee Daacish ku jira ee aduunku il gaar ah ku eegayo iyadoo lagu qoonsaday Falalka qawraca ah ee uu fuliyo.
Jihadi John ayaan hada wax mansab ah ku dhex laheyn gudaha Kooxda Daacish, waxaana ninkan uu xili walbo ka wal walsan yahay in la dilo, waxaa ninkan baadi goob ugu jira ciidamo khaas ah oo katirsan Dalka Ingiriiska oo loo xil saaray in ay nolosha kusoo qabtaan ama ay dilaan.
Ilo Wareedyo katirsan Sirdoonka Dalka Maraykanka ayaa laga soo xigtay in Jihaadiiste John uu hadda ku jiro cabsi xooggan isaga oo u baqaya noloshiisa, baadi goobna ugu jira sidii uu uga bad baadi lahaa Sirdoonnada Maraykanka iyo Britain oo baadi goob ugu jira.
Ciiddanka Khaaska ee Britain ayaa la qorsheeyay in ay hoggaamiyaan Hawlgalka lagu soo qabanayo Jihaadiiste John, oo asalkiisu kasoo jeeddo dalka Kuwayt balse haysta Dhalashada Dalka Ingiriiska, waxaana ninkan soo qabashadiisa iska kaashanaya Sirdoonka Maraykanka iyo Britain.
Hay’adaha Sirdoonka Britain iyo Mareykanka ayaa laga soo xigtay in Jihadi John uu hadda qorshaynayo in si dhuumaalaysi ah ku yimaado Dalka Soomaaliya uuna ku biiro Kooxda Al-Shabaab oo iyadu xadhiidh la leh Al-Qaacida.
Wargeysyada Dalka Ingiriiska qaarood ayaa qoray in aanay xiligan layaab aheyn in Jihadi John uu naf ka raadiyo in uu u baxsado Soomaaliya uuna ku biiro Kooxda Al-Shabaab, waxa ayna sheegeen in ninkan horey u qorsheeyay ku biirista Al-Shabaab balse uu ku fashilmay.
Dowlada Britain, ayaa qorsheeneysa in Dalka Soomaaliya ay dano badan ka leedahay ay dhawaan usoo dirto ilaa 70-askari oo katirsan Ciidamada Khaaska ee Dalkaasi, waxaana ciidamadan la sheegay in ay gacan ka siin doonaan la dagaalanka xagjirnimada Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *