BREAKING NEWS
Search

Ninkii Daacish U Qaabilsanaa Qoor Goynta Jihadi John Oo La Sheegayo Inuu Ka Baxsaday Ururkaas.

Wargeyska The Mirror ee kasoo baxa Dalka Ingiriiska ayaa qoray in Dagaalyahanka asalkiisu kasoo jeedo dalka Kuwait balse heesta Dhalashada Dalka Ingiriiska Mohamed Emwazi,oo sidoo kale loo yaqaano Jihadi John uu ka baxsaday Kooxda Daacish uu xubin muhiim ah ka ahaa.

Jihadi John ayaa kooxda Daacish u qaabilsanaa falalka dilka qoyr-goynta ah, waxaana ninkan Muuqaaladiisa ay baraha internetka qabsadeen kadib markii uu qoorta ka jaray Muwaadiniin u dhashay Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Wargeyska The Mirror oo soo xiganaya ilo wareed qarsoon ayaa sheegay in Jihadi John uu baxsad ku yahay gudaha Dalka Siiriya kadib markii ay cabsi lasoo daristay, waxa uuna tilmaamay Wargeyska in gudaha Siiriya joogaan Ciidamo gaar ah oo ugaarsi ugu jira soo qabaahada ama dilka ninkaasi.

Ninkan heesta Dhalasada Dalka Ingiriiska oo 26-sano jir ah ayaa muhiim u ahaa kooxda Daacish, waxa uuna ninkan kooxda u qaabilsanaa in uu Madaxa ka jaro dadka kasoo jeeda Reer Galbeedka ee kooxdaasi gacantooda soo gala.

Wargeyska Warkan qoray ayaa sheegay in Dagaalyahankan ay lasoo daristay cabsi xoogan uuna ka shakiyay kooxda uu katirsanaa ee Daacish, waxa uuna Wargeysku qoray in suurto gal tahay in uu ninkan ku biiro kooxaha kale Islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha Siiriya.

Jihadi John ayaa ka dambeeyay gowrac loo geestay Muwaadiniin Reer Glabeed ah oo isugu jiray saxafiyiin iyo Samafalayaan kuwaa ay kamid ahaayeen Stephen Sotloff, James Foley, David Haines, Alan Henning iyo Peter Kassig.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *