Search

“Ninkasta Oo Soomaaliyeed Annagu Madaxdhaaqameed Ayaanu U Nahay, Maamulka Iyo Xuduuduhuna Waa Arimo Siyaasiyiinta U Gaar Ah”

Hargeysa (Foore) – Suldaanka Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed oo ka mid ah salaadiinta ugu Cad Cad Somaliland islmarkaana ka mid ah Salaadiinta Beelaha Sacad Muuse oo shalay ka qayb galay soo dhawayn Hargeysa loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si layaableh u amaanay kuna tilmaamay in Faroole intii uu Xilka Puntland Hayay uu reer Somaliland u wanaagsaa islamarkaana hawsha uu maanta halkan u yimid ay wax kala qabanayaan,waxa kale oo uu sheegay Suldaanku in madax Dhaqameed ahaan ay Soomaaliya mid u tahay oo Xuduuduhu u xidhan yihiin Siyaasiyiinta oo qudha.
Suldaan Ismaaciil ayaa sidan ka sheegay maruu warbaahinta kula hadlay Shalay Garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa oo madax dhaqameed uu ku jiray ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxman Faroole oo Somaliland u yimid arin Shaqsi ah oo xidid. Suldan Ismaciil ayaa sheegay inuu Cabdiraxmaan Faroole sidii shalay loo soo dhaweeyay iyo si ka daran uu yahay nin u qalma in loo soo dhaweeyo,isagoo taa badelkeeda ku sheegay in markii uu xilka Puntland hayay uu meel fiican ka taagnaa Somaliland.
Suldaan Ismaaciil oo amuurahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole,nin qiime badan ayuu ahaa markii uu madaxweynaha ahaa,nin intan iyo inkabadan in lagu soo dhaweeyo u qalma ayuu ahaa,siduu noo galay,anigu waxaan ka mid ahaa dadkii tagay Garowe,ee Ergada ugu horaysay ee Somaliland ka tagta raacay,Madaxweyne Siilaanyo ayaa nagu balamiyay,isna si tixgalin leh,oo Qiime badan ayuu noo soo dhaweeyay,wixii aanu u soconayna wuu noo soo qabtay,Arimaha Somaliland-na,nin meel fiican ka taagan ayuu ahaa,isaga Reer Somaliland siyaasi iyo dhaqanba meel fiican ayaa laga taagan yahay,Arimihiisa Shaqsiga ah ee uu u yimidna Sifiican ayaa loola qabanayaa”
Suldaan Ismaciil ayaa ka dhawaajiyay inuu suldaan u yahay Qofkasta oo Soomaali sheegta,waxaanu ku sheegay Maamulada Soomaaliya ka jira Qaar siyaasiyiinta u xidhan oo keligood ku kooban. Suldaanku isagoo arintaa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anagu Madax dhaqameed ahaan meel kasta oo aanu joognaba Waxaanu nahay Suldaan oo madax Dhaqameed ayaanu nahay,ninkasta oo Soomaaliyeedna Madax Dhaqameed ayaanu u nahay,Siyaasiyiinta,Maamulka iyo Xuduuduhuna waa arimo gaar ah”.
Hadalkan Suldaanka ee Dambe ayaa ku soo beegmaya wakhti uu suldaan kale oo reer Somaliland ahi hore uga dhawaajiyay in Soomaaliya mid tahay,isagoo kaasi waliba soo jeediyay in cashuurta la isku furo oo Boosaaso gaadhiga lagu soo cashuuro aan Hargeysa Cashuur la waydiin,waxa kale oo uu sheegay Suldaankaasi hore inuu u hawlgalayo in xuudaha Somaliland ka soo xidhatay Soomaaliya inteeda kale uu isagu gacantiisa kaga qaadayo,waxaanu suldaankaasi hore ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka tirsan salaadiinta reer Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *