Ninka Loo Aqoonsaday Kan Adduunka Ugu Guursi Badan Oo Baadi Goob Ugu Jira Haweenaydii 108aad Iyo Tirada Ubadkiisa Oo Kor U Dhaasfay 185 Ubad Ah!!

Maxamed Bello Abubakar oo ah nin muslim ah oo u dhashay waddanka Nigeria ee galbeedka qaaradda Afrika oo hore loogu aqoonsaday kan adduunka ugu guursiga badan ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo mar kale in uu guursado isaga oo isu diyaarinaya in uu qorsheeyo guurkiisii 108aad isaga oo hore ula soo aqal galay 107 haween ah oo hore u soo wada guursaday tan iyo intii uu qaan gaadhka ahaa ee uu damcay in uu guursado.
Inkasta oo dhawaan la shaaciyey in Maxamed Bello Abubakar uu geeriyooday haddana warbaahinta waddanka Nigeria ayaa beenisay in warkaasi beenoobay isla toddobaadkana uu shaaciyey in uu isu diyaarinayo guurkiisii 108aad caafimaadkiisuna wanaagsan yahay isaga oo guurka badan u arka caado dhaqan ahaan barakaysan oo ay dadkiisu qabaan inkasta oo uu noqday deegaankiisa iyo adduunka kaleba kan ugu guursiga badan.
akuku-danger1
Wargeyska Daily Mail oo arrinka ninkan wax ka qoray ayaa sheegaya in intii uu noolaa Maxamed Bello Abubakar uu guursaday 107 haween ah oo uu 10 ka mid ah furay oo ay kala tageen balse ay wakhtigan wada joogaan 97 xaas oo u dhalay in ka badan 185 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Inkasta oo uu caqiido ahaan aaminsan yahay ninkani diinta islaamka oo uu ka soo jeedo qabaa’il dega woqooyiga dalkaasi Nigeria oo Muslimiin ah haddana waxa uu aaminsan yahay in guurka badani yahay cibaado iyo wanaag balse ay shareecada islaamku ogoshahay oo kaliya in ninku wada guursan karo 4 haween ah balse waxa uu Maxamed Ballu Abubakar aaminsan yahay in aanay diintu xad u yeelin xagga tiro badnaanta iyo tirade haweenka laga guursan karo oo ay ogoshahay inta uu ninku guursankaro in uu guursado.
Wakhtiyo dhawr ah ayay maxkamadaha deegaankiisu ninkan hore u qabteen oo xukuno xadhig ah ku rideen iyaga oo u diidanaa guurkan xad dhaafka balse markii uu joojin waayay ayay dawladdu iska sii daysay oo u ogolaatay in tirada. uu doono.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *