BREAKING NEWS
Search

Ninka Adduunka Ugu Dheer Iyo Gabadha Adduunka Ugu Gaaban Oo Ku Kulmay Buuraha Loo Dalxiiska Tago Ee Dalka Masar

Toddobaadkan Goobaha loo dalxiis tago ee dalka Masar ee ay ku yaallaan Buuraha Ahraamta loo yaqaano waxa si kedis ah oo aan la sii qorshayn ugu kulmay dadkii dalxiisayaasha ahaana la yaabeen ninka rasmi ahaan loo aqoonsanyahay in uu yahay kan adduunka ugu dheer oo lagu magacaabo Sultan Kosen iyo haweenayda iyana adduunka ugu gaaban kuwaasi oo sawirro ku wada galay wajahadda hore ee Sawir-dhagaxeedka caanka ah ee Abul-Hawl.
Sultan Kosen oo u dhashay waddanka Turkiga asalkiisuna yahay qawmiyadda Kurdiyiinta ayaa muddo dhawr sano ahba loo aqoonsan yahay in uu yahay ninka bani aadamka adduunka guudkiisa ku nool maanta ugu dheer halka haweenayda lagu magacaabo Jyoti Amge oo da’deedu tahay 20-jir iyana loo aqoonsan yahay qofka adduunka ugu gaaban marka la eego da’deeda iyo dhererkeeda layaabka leh ee aadka u gaaban.
Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Mail oo arrinkan layaabka leh wax ka qoray, Sultan Kosen iyo Amge ayaa sheedda iska halacsaday iyaga oo ka mid ahaa dadkii dalxiisayaasha ahaa ee isugu yimid buuraha loo dalxiis tago ee dalkaasi Masar. Koox dhawr qof ah oo labadan qof la kala socday ayaa sheedda iska arkay markii ay is aqoonsadeenna waxa ay sawirro ku wada galeen goobtii ay ku kulmeen iyada oo wariyayaal iyo dalxiisayaal kale oo goobta joogay ay sawirro badan ku boobeen oo ay ka qaadeen labadan qof ee farqiga weyni u dhaxeeyo dhinaca dhererkooda.

Sultan Kosen oo 35-jir ah una dhashay Kurdiyiinta waddanka Turkiga, sannadkii 2015 kiina guursaday ayaa waxa dhererkiisa lagu qiyaasaa in uu yahay in ka badan (246.5cm (8ft 1in) halka haweenayda Jyoti Amge oo iyana 20-jir ahi uu dhererkeedu dhan yahay wax ka yar 62-cm oo u dhiganta (2ft) oo wax yar uun ka dheer dhererka cagtiisa hoose ee Kosen. Waxaanay dherer ahaan ugu dhacaysaa meel ka hoosaysa kubkiisa hoose ee jilibka aad uga hoosaysa. Waana mid ka mid ah Cilmiyada Ilaahay iyo Abuurkiisa aadka u layaabka badan ee u baahan wax ku qaadashada iyo awoodda Alle SWT. Muddo kooban waxa ay labadan qof iyo dadkii la socday ku wakhti qaateen Huteel lagu nasto oo ku yaalla Magaalada Giza kadibna Qaahira oo ay ku laabteen Maalintii Jimcihii ee Toddobaakan.
Gabadhan adduunka ugu gaaban ee Jyoti Amge ayaa waxa ay u dhalatay kuna nooshahay waddanka Hindiya waxaanay ka hawl gashaa barnaamij telefishan halka ay imika ka qayb qaadatay dhawr filim oo ah nooca cabsida (horror Movies) oo ay soo saareen shirkadaha Filimada sameeya ee caanka ah ee Hollywood iyo Bollywood.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *