Search

Nin Magac Iyo Hanti Ku Helay Khiyaamo Uu Ku Sameeyey Muddona Kula Joogay Kooxda Daacish

Berlin (Foore/W.Wararka)- Nin lagu Magacaabo Jürgen Todenhöfer oo ah Siyaasi u dhashay dalka Germany ayaa dhawaan waxa uu u tagay waqti badanna la soo qaatay Dagaalyahanada iyo Masuuliyiinta ugu sarreeya xoogaga Daacish kuwooda ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Jürgen Todenhöfer waa siyaasi caan ka ah gudaha dalka Germany waxaana la sheegay in uu ku tallaabsaday fal aad u layaab badan oo dad badani u qaadan waayeen kadib markii la xaqiijiyey in uu Khiyaamo farsamaysan kula kacay xoogaga Daacish kaas oo iskaga dhigay Wariye ama ruux doonaya in uu caawiyo Kooxda Daacish isaga oo u sheegay in uu doonayo in uu Adduunka u soo bandhigo cududda awoodeed ee kooxda Daacish ee sii xoogaysanaysa. Jürgen Todenhöfer ayaa la soo saaray sawito laga qaaday isaha oo xidhan Cumaamad xidhay una labbistay qaabka ay dharka u xidhaan Kooxda maleeshiyaadka ururka Daacish ayaa markii uu ku soo laabtay gudaha dalka Germany waxa uu soo saaray Buug cusub oo Adduunka si weyn looga jeclaystay inkasta oo aan wali si rasmi ah loo shaacin, buuggaasi oo ciwaan soo jiidasho leh loo sameeyey.
“Wer seine Feinde besiegen will , Sollte Sie kennen” Taas oo macnaheedu yahay : Qofkii doonaya in uu ka guuleysto cadawgiisa waa in uu marka hore soo kala bartaa hab dhaqanka cadawgiisa . Ninkan ayaa buugiisa nuquladii ugu horreeyey waxa durba iibsaday Telefishino caan ah sida CNN-ka IWM wuxuuna ku soo bandhigay sawiro muujinaya qaabka ay Daacish u tababaraan dhallinyarada maskaxdana uga xadaan Caruurta !! .
Ninkan ayaa kooxda Daacish isaga dhigay wariye dhexdhexaad ah isaga oo la soo xidhiidhay kadibna ay u ogolaadeen in uu yimaad goobaha ay kaga sugan yihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya qaybo ka mid ah sidaana uu muddo ku dhex mushaaxayey isaga oo warbixinno ka diyaariyey, markii dambena ay u suurta gashay in uu dib ugu laabto dalkiisii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *