BREAKING NEWS
Search

Nin Gowracay Xaaskiisa Kadibna Booliska Ka Codsaday In Loo Helo Qof Caruurtiisa U Daryeesha

Ramallah (Foore)-Nin u dhashay Falastiin ayaa waxa uu Gowracay Haweeneydiisa, iyadoo aan la ogeyn sababta oo u gowracay Haweeneydaas.

Dhacdadaas oo ka dhacday Magaaladda Ramallah ayaa waxay argagax ku riday dadka deegaanka, kadib markii ay arkeen Gacan-ku-dhiiglaha oo wata mindi dhiig leh oo uu ku soo dilay Xaaskiisa.

Gacan-ku-dhiiglaha marka uu falkaasi geystay waxa uu toos u tagay Saldhiga Boliska, iyadoo uu qirtay inuu soo dilay Xaaskiisa.

Gacan-ku-dhiiglaha oo aan magaciisa la sheegin ayaa ka codsaday Booliska in loo raadiyo qof u heysa Saddax carruur ah ee uu Hooyadooda ka gowracay maadama uusan heesan qof caruurta u xanaaneesa.

Boliska ayaa sheegay in Saddaxda Carruur oo kala ah Laba wiil iyo Gabar ay argagax nafsaani ah ka qaadeen, markii uu aabahooda si arxan daro leh hortooda ugu gowracay Hooyadooda.

Haweeneyda la gowracay oo la Oran jiray Ruweyda Fakhri Yuusuf Al-kurdi ayaa waxay asal ahaan ka soo jeeda Tuuladda Alram oo u dhexeysa Magaaladda Ramallah iyo Magaaladda Al-Qudus ee la-haysto.

Wariye Kamaal Isnail Adam
Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *