Nin Dhalinyaro Ah Oo Laga Keenay Ingiriiska Oo Maanta Isku Daldalay Degmada Warta Nabada ‘Ex Wardhiigleey’ Ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Foore)-Waxaa Maanta isku deldelay Guri Ku Yala Degmada Warta Nabada’ex Wardhiigleey’ oo ka Tirsan Gobolka Banaadir Nin dhalinayro ah oo 4 sano ka hor laga keenay Dalka Ingiriiska Kasoo dhaqan celin loo keenay.

Marxuumka isdeldelay ayaa lagu magacaabi Jiray Cabdalla Maxamed Saciid,waxana la sheegay in Xiligii uu is dal dalayay uu Qoorta gashaday Xadhig dheer isla Markaana Miis duhshiisa koray.
dhacdadaan xanuunka badneyd ayaa waxaa aad uga naxay ehelada Marxuumka iyo Dadka dariska la ahaa Gurigooda kuwasoo ku soo Xoomay halkii uu ku geeryooday.

Wiilka is khaarajiyay oo lagu magacaabo Cabdalla ayaa la sheegay inuu ka door biday waalidkiis inay markale ku celiyaan Ingiriiska maadaama uu la qabsan waayay Nolosha Muqdisho Balse ay ku gacan saydheen.
Mudooyinkii la soo dhaafay meelo ka mida Dalka Gudihiisa waxaa lagu arkayay dhalinayaro fara badan oo Wiilal iyo gabdho isagu jira oo dhaqan celin ahaan Loo keenay muqdisho kuwaaso laga kala keenay meelo kala duwan oo daafaha caalamka ka mida.

Kamaal Sh Ismail
Foorenews.com
Hargeisa/Main Office




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *