BREAKING NEWS
Search

Nin Beeralay Ah Oo Qaabka Xafladaha Ugu Labbista Suudhkiisa Iyo Koofiyaddiisa Marka Uu Beerta Qodayo

Kiyoto Saito, oo beeraley da’yar ah oo ku nool dalka Japan ayaa isku dayaya inuu baddalo aragtida dadku ka haystaan howlaha beer qodista. Haddii uu kaxaynayo cagaf-cagaf ama uu ku joogo jilbihiisa, Kiyoto wuxuu aalaaba xidhaa koodh iyo suudh dhamaystiran iyo qoor-xidh ‘tie.’
Qoyska Kiyoto waxay muddo aad u dheer ku jiraan howlaha beeraleyda – qodaalka, haramaynta, waraabinta iyo wixii lamid ah. Hayeeshe, da’yar ahaan, wuxuu dhaqankan u arkay mid lagu caajiso. Wuxuuna u kacay magaalada. Wuxuu sannado kahor markuu kusoo laabtay degmadiisa go’aansaday inuu qoyskiisa kala dhinac shaqeeyo beeraha – balse waxa uu yidhi maya muuqaalkii ay ku how-gali jireen. Wuxuu la-qabsaday xidhashada tayga iyo koodh isku joog ah oo suudh ah mar kasta.
Fikradda xidhashada dharkan quruxda badani waxay ku bilaabay si kaftan ah. Maalin ayaa walaalkii kula kaftamay haddii lagu howl-gali karo koodh isku joog ah marka beeraha laga shaqeynayo, balse Kiyoto wuxuu u qaatay si dhab ah isaga oo u arkay tubta ugu toobiyaysan oo uu ku baddali karo aragtida beeraleydu ka heystaan labiska iyo xidhashada iyaga oo inta badan dadka beeralayda ahi aanay muhiimad siin dharka mar walbana xidha dhar hun ah oo aad u fool xun oo duug ah.
Dadka oo aaminsan in aanad hufnaan karin maalinta oo dhan iyo suuraysiga sida loogu xidhan karo koodh shaqadan oo kale ayaa ka dhigtay in fikraddiisu aanay helin baraaruggii uu rabay.
Hayeeshe dadaal dheer kaddib, wuxuu maray waddo kasta oo uu ku suura-galin karo in la aqbalo labbiskiisa iyo shaqadiisa sida ay iskugu soo baxayaan. Maanta, Kiyoto wuxuu sheegay in dad badan ay taageersan yihiin aragtidiisa hab-labiseedka. Wuxuuna ku hal-adag yahay inuu kusii socon doono.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *