Natiijadii kulan Shan urur siyaasadeed Hargeysa ku yeesheen

Hargeysa (Foore)- shan ka mid ah ururaddii siyaasadda ee is diiwaan geliyay ayaa maanta kulan lagu tilmaamay aayo ka tashi ku yeeshay Hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo albaabaddu u xidhnaayeen waxa hindisihiisa lahaa Madaxweyne Ku xigeenkii koowaad ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, waxaana ururadda kulankaasi yeeshay kala ahaayeen RAYS, UMMADDA, HORYAAL, XAQSOOR iyo UDHIS.
Kulankan waxa lagu doortay Guddi isku soo dubo rida balaadhinta wada tashiyo ay yeelanayaan ururadii cusubaa ee dhawaan is diiwaan geliyay.

Xasan Ciise Jaamac oo saxaafadda la hadlay kulankaasi ka dib wuxuu yidhi “Shir kooban buu ahaa oo ururadii siyaasadda ee cusbaa ee is diiwaan geliyay ay isku baranayaan, danahooda ay u samaysanayaan Guddi ay soo abaabulaan oo ay wada tashi yeeshaan mar haddii ay dooni wada saaran yihiin oo ay isku dano yihiin. Anigana hawshaydu waxay ku ekayd isu keenidooda iyo isbarashadooda.”

“Guddi bay samaysteen gudidaasi ayaa hawshii la wareegtay, maalinta khamiista ee fooda inagu soo haysa ayay gudidaasi wada jirka ahi u balansan yihiin inay ku kulmaan halkan hudheelkan Hadhwanaag, ururadii ka maqnaana waxay doonayaan inay arkaan oo ay soo korodhsadaan ayay ku tashadeen,”ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Dhinaca kale, Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) oo ka tirsan siyaasiyiinta urur siyaasadeedka UDHIS, oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in kulankan lagu falan qeeyay sidii ururada siyaasaddu ay iskaashan lahaayeen wixi dano ah ee ay wadaagaan, waxaanu tilmaamay inay doorteen Guddi kooban oo ay u xilsaareen isku dubo ridka hawshan.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *