BREAKING NEWS
Search

M/weyne Siilaanyo oo gaadhay Britain kana hadlay rajada ay ka qabaan shirka London

London (Foore)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada London ee dalka Britain, waxaana madaarka Heathrow Airport si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.

Madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyay saraakiil ka socday xafiiska Raysal wasaaraha Britain iyo Wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Wasiirul dawladaha arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, Wasiir Ku xigeenka arrimaha dibadda Md. Maxamed Yoonis Cawaalle, Wakiilka Somaliland ee UK iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somalland ee wadanka UK.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo markii uu ka soo degay madaarka London saxaafadda u waramayay ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee soo dhawaysay.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha Ingiriisku ku qabanayo 23-ka bishan magaaladda London oo uu tilmaamay in isaga iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayaa ay ku casuuman yihiin kana filayaan in qadayadda Somaliland lagu dhegaysto shirkaas.

“Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dadka I soo dhaweeyay ee reer Somaliland, waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aanu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”

Madaxweynaha Somaliland waxa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Cali.

Waxa kale oo la filayaa magaaladda Addis-ababa ay ka soo ambo baxaan maalinta bari weftigii kale ee uu Hoggaaminayay Wasiirkaa warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade,oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Xanaanadda xoolaha Dr. Cabdi Aw-Daahir, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada iyo masuuliyiinta sadexda xisbi qaran.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *