Search

Muxuu Muj Xasan Ciise Ka Sheegay Madaxweynaha La Doortay Muj Muuse Biixi Cabdi, Muxuu Ku Soo Kordhiyay Ururkii SNM Ee Ay Ka Soo Wada Tirsanaayeen, Muxuuse Ku Sifeeyay Shaqsiyadiisa

Hargeysa, November 23, 2017- (Foore)- Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hadlay Madaxweynaha Cusub ee La doortay Muuse Biixi Cabdi,Waxa uu u diray duco iyo Hambalyo,waxaana uu si qoto dheer uga hadlay shaqsiyad dhabta ah ee Muuse Biixi, maadaama oo ay mudo dheer ku soo wada jireen Ururkii SNM,Waxa uu ku sifeeyay Hogaamiye adag oo hawlkar ah islamarkaana qayb libaaxleh ka soo qaatay Halgankii Hubaysnaa ee SNM iyo Aas aaskii dawladnimada Somaliland isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqay inuu yahay nin dulqaad leh oo hayin ah,islamarkaarna Somaliland horumar gaadhsiin kara.
Muj Xasan Ciise Jaamac oo shalay waraysi gaar ah warbaahinta ku siiyay hoyga uu ka degan Magalada Hargeysa,ugu horayn hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muj Muuse Biixi Cabdi,Waxaana uu yidhi sidan “Muuse Oo Keli ah Muu Gulaysane,Somaliland Oo Dhan ayaa Guulaysatay,Dhamaan Shacabka Reer Somaliland Iyo Musharaxiintii tartamayay ayaan hambalyo u diraynaa,laakiin Si gaar ah maanta waxay hambalyadiisa ay tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,anigu horena waan u tahniyadeeyay,waa arin farxad gaar ah u ah Qoladayadii Jabhada ahayd,nin naga mid ahi inuu Doorashadii ku guulaystay oo uu Madaxweyne Noqday”.
Isagoo ka hadlaya Shaqsiyada Muuse Biixi iyo aqoonta gaarka ee uu u leeyahay ayaa waxa uu yidhi“in badan ayaa Muuse Biixi aniga la iga waraystay,Muuse Wax badan ayaa laga yaqaanaa oo waa nin inbadan imika saaxada Siyaasada ku soo jiray,illaa Somaliland bilawgeediiba,Lakiin Laba Qodob oo dadka badan koodu aanay Muuse kaga war hayn ayaan dadka ugu daraa oo ay la yaabaan,1- Waa ta koowaad eh,iyadoo wakhtigii jabhada Xero-jooga Ciidamadu uu wagash wagash yahay,oo aanu wanaagsanayn,ayuu Muuse noo yimid,Muuse intuu Budh iyo tooray Qaatay iyo caday dheer ayuu xeradii askarta mujaahidiinta u fadhiistaa,way ku daydeen, Wuxuu ku soo kordhay Jabhaddii SNM-ta,Wax layidhaah “Saraakiisha Xero jooga”,oo markaa naga maqnaa oo wax weyn ka badelay jabhadii SNM-ta,gaar ahaana Dhinaca galbeedka, Sababtaq ugu wayn ee u suurtagalisay waxay ahayd isagu muu qayili jirin,saraakiisha badankoodu xerada way ka tagi jireen oo way qayilaad tagi jireen,askartuna way raacijireen,markaa muuse ayaa arintaasi wax ka badelay,guushiina wax ka taray”.
Waxa kale oo uu yidhi“Qodobka labaadna waxa weeyaan intii aynu Somaliland ku dhawaaqnay,Dabadeed Muuse Waxa aanu si gaar ah ugu kulanay Aniga dib u haybayntii SNM-ta,arintaasi Muuse Si gaar ah ayaan ugu bartay waayo hore jabhaddii uunbaanu wada ahayn,iyo dagaaladii,oo uu ku fiicnaa uunbaa ku aqaanay laakiin siyaasadiibaan wakhtigan ku bartay Muuse,Muuse Markii hore dadku waxay u arki jireen nin Seef la bood ah,oo xanaaq badan oo Dagaal badan,laakiin wakhtigaasi dib u habayntii SNM-ta,waxaan ku arkay oo aan anigu markhaati ka ahay Ilaahay hortii inuu ahaa ninka ugu waayeelsan ee igula jiray dib u habayntii SNM,Waanu badnayn,waxaanan idiinsii faah faahinayaa wakhtigaasi,dib u habayntii SNM waxay isku qabatay oo aanu markii dambe ku kala tagnay,Ina Cigaal ayaa madaxweyne ahaa,Sidayn u naqdinaa,Ina Ibraahim Cigaal,Mucaarid ayaanu ku ahayn Wakhtigaasi”.
Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Rag Badankoodu,Aniga iyo Muuse Mooyiye,ragga badankoodu waxay odhan jireen aynu kululayno arinka oo aynu si cunfi ah oo daran aynu Caaridno Madaxweynaha Ina Ibraahim Cigaal,Aniga iyo Muuse-na waxaanu odhan jirnay,dagaal dalku uma baahna,dadkeenu rabshada ma karayo,Talooyin badan ayaan walaalkay Ama saaxiibkay Muuse u hayaa,laakiin isaga markaanu kulano ayaanu talooyinkaasi ku horaysiinayaa,waynu hambalyaynayaan, waynu u ducaynaynaa,waxaynu leenahay illaahay xilka culus haku asduro,Guushiisu waa Guusheena oo dhan”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *