Search

Muxuu Darawalkii Daadku Ka Qaaday Ka Yidhi Xaaladda Adage E Uu Dirqiga Kaga Badbaaday? Daawo Muuqaal

Hargeysa (Foore)- Darawalkii waday gaadhi isagoo qaad sida isku qaaday dooxa Aw-barkhadle oo dad labada gabi marayo ayaa ka xog waramay sidii wax u dhaceen. Darawalka gaadhiga waday ayaa sameeyay laba dhacdo oo aan haboonayn, kuwaasi oo ahaa in marka hore uu isku maqiiqay daadkii, mar labaadna uu isku dayay inuu baagag qaad ah ka reebo dadkii sidaasna uu isagii daad ku qaaday.
Wuxuu sheegay inuu daadku muddo sitay kadibna uu geed qabsaday, isagoo aan wax dabaal ah garanayn. Sida uu muujinayo muuqaalkii laga duubay maalintaasi, ninkaasi waxaa la rumaysnaa inuu dadku la tagay sidaasna ku dhintay balse goor dambe ayaa la ogaaday noloshiisa, haddana wuu caafimaad qabaa.

Halkan Ka Daawo Sheekada Layaabka Leh Ee Darawalka Daadka Ka Badbaaday




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *