BREAKING NEWS
Search

Muxuu Cabdiraxmaan Saylici Ka Yidhi Hankiisa Siyaasadeed Ee Tartanka KULMIYE Dhexdiisa

Hargeysa (Foore)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in aanu wakhtigan ka hadli doonin salaad walbana wakhtigeeda la tukado hamigiisa siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE dhexdiisuna yahay arrin aan wakhtigan taagnayn oo uu goorteeda ka hadli doono isaga oo dhinaca kalena sheegay in saam qaybsiga xubnaha xildhibaanada golaha wakiilada ee soo baxayaa tahay arrin u baahan in talo qaran laga yeesho.
Madaxweyne Ku Xigeenka oo shalay safar ugu baxay wadanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya ayaa su’aalo dhawr ah oo saxaafaddu ku waydiisay garoonka Cigaal International Airport waxa uu sidoo kale ka sheegay in Arrinka suldaan Wabar yahay Saambuuse laga eedaamay oo aan muhiim ahayn soo hadal qaadkiisu wakhtigan.
“Aniga iyo weftiga aanu hogaaminaynaa waxaanu maanta safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allah muddo kooban oo laba cisho ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo wasiiro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.
Dhinaca kale Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo wax laga waydiiyey hammigiisa siyaasadeed iyo bal in uu iska soo sharraxi doono xisbiga KULMIYE ee loollanka siyaasadeed ka dhex taagan yahay Madaxweyne Siilaanyo kadib ayaa waxa uu ku gaabsaday in aannu arrinkaasi wakhtigan taagnayn markii laga hadli lahaa isaga oo sheegay in uu ka hadli doono ama hankiisa sheegan doono wakhtiga uu shirka golaha dhexe qabsoomo isaga oo sheegay in salaad walba wakhtigeeda la tukado.
Madaxweyne xigeenka oo wax laga waydiiyay arrinta saami qaybsiga golaha wakiillada ee sababtay in mudaneyaasha gobolada Galbeedku diidaan inay ka soo xaadiraan golaha wakiillada illaa saamigooda la kordhiyo waxa uu sheegay in arrintaasi tahay cabasho jirta oo talo qaran u baahan. “Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin talo qaran u baahan, xildhibaannaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaamato iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku mar uu shalay ka sii dhoofayay madaarka Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *