BREAKING NEWS
Search

Muwaadin Reer Hargeysa Ah Oo Hindisay Beerta Lammaanaha Oo Ah Mashruuc Dhiraynta Wax Ka Taraya

Lammaane Kasta Oo Aroos Ah, Is Mehersada Ama Ubad Isu Dhala Waxa Uu Mashruucani Ku Waajibinayaa Beerista Laba Geed

Hargeysa (Foore)- Muwaadin lagu magacaabo Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf oo ah Nin Dhallinyaro ah oo Hargeysa ku nool ayaa hindisay mashruuc faa’iido ballaadhan u leh deegaanka iyo dalkaba kaasi oo ah mid la xidhiidha dhir beerista iyo ilaalinta bilicda deegaan qurxoon oo qarankani yeesho.
Mashruuca muwaadinkani hindisay ayaa ah beer lagu kobciyo dhirta oo lammaane kasta oo reer Somaliland ah oo soo booqda ku riixaya in ay soo booqdaan oo laba geed beeraan kana qayb qaataan mashruucan dhiraynta iyo ilaalinta deegaanka sida weyn wax uga taraya kaasi oo illaa imika shacabka ka helay soo dhaweyn ballaadhan.
Wargeyska FOORE oo xalay khadka taleefanka kula xidhiidhay Muwaadin Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf oo ah hindisaha mashruucan ayaa Cabdilaahi wax ka waydiiyey sida uu hawshaasi u wado iyo tallaabooyinka illaa imika uga qabsoomay waxaanu Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf sheegay in uu hawshan ka bilaabay beer yar oo u dhaw Agagaarka Dawladda Hoose ee Hargeysa halkaasi oo uu ka bilaabay mashruucan dhiraynta ah bulshadana ugu baaqay in ay ka qayb galaan.
Mashruucan oo ah mid tabarucaad ah kana shaqayn doono arrimaha Bulshada gaar ahaan ilaalinta bilicda iyo deegaanka, oo uu Hindisay Nabadoon Cabdilaahi ayaa ah Beer lagu magacaabo Beerta Lamanayaasha oo uu ugu talagalay inay Lamaanayaasha is mehersada, kuwa aqal gala iyo sidoo kale kuwa ay Caruuri u dhalato inay dhir ku beeraan Beertan, si ay ajar uga helaan, ayaa Bulshada baaq u diray, waxaanu ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadan. Nabadoon Cabdilaahi Cabdi Yuusuf oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxa aan Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan Lamanaayaasha is guursada, aqal gala, kuwa is mehersada iyo kuwa Caruuri u dhalato ogeysiinaya inay Beerta Lamaanayaasha oo ku taala Dawaldda hoose Hargeysta agteeda inay Dhir ku beeraan si ay if iyo akhriba u libaan, maxa yeelay weynu ognahay qiimaha uu leeyahay iyo ajarka uu helayo qofka hal geed beera, ilaa hadda lamaanayaal xoogaya ayaa yimid dhirna ku beeray, markaas waxa aan ugu baaqaya lamaanayaasha doonaya inay dhir ku beeraan iyo cid walba oo waribixin arrintan ugu baahan inay igala soo xidhiidhaan Lambarka 4017075″. Muwaadinkan ayaa Wargeyska Foore u sheegay in uu ku talo jiro sidii mashruucani u midho dhali lahaa ee magaalada Hargeysa marka hore u noqon lahayd magaalo dhir badan leh oo bilicsan isaga oo sheegay in uu waddooyinka waaweyn ka hir gelin doono isaga oo dawladda Hoose la kaashanaya. Hindisahan ayaa wax weyn ka tari kara haddii uu helo soo dhaweynta shacabka ugu yaraan in shacabku si weyn ugu baraarugaan qiimaha dhiraynta iyada oo muwaadinka hawshan isku xilqaamay uu sheegay in uu muddoba ka shaqaynayay dhiraynta markii uu arkay qiimahay dhirtu leedahay iyo sida dalkani maalinba maalinta ka dambaysa ugu sii xuub siibanayo lama degaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *