BREAKING NEWS
Search

Muuse Bixii Oo Waji-Gabax Kala Kulmay Qado-Sharaf Uu Usameeyey Xubnaha Golaha Dhexe Ee Beelaha Harti Ugu Jira Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(Foore)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi ayaa waji-gabax kala Kulmay Kulan qado ah uu usameeyey xubnaha golaha dhexe Beelaha Harti ugu jira Xisbiga Kulmiye kaasoo ka qabsoomay Hotel Lake Asal ee Magaalada Hargeysa. Kulankaasoo ujeedadiisu ahayd, mid Taageero doon ah, isla markana uu Guddomiyaha Kulmiye ku xod-xodanaayo sidii u taageero uga heli lahaa xubnaha golaha dhexe ee Beesha Harti, ayaa isku bedelay mid rabshado hadheeyen kuna kala qaybsameen xubnihii kasoo qaybgalay qadaadi Muuse. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Xildhibaano, Wasiir, Agaasimayaal iyo shaqsiyaadka kale, ka mid ah golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayey ku kala qaybsameen xubnihii kasoo qayb galay kulankaas waxanay goobta ka cadeeyen kasoo qaybgalayaashu sida aanay ugu wada-socon taageero u ka helo Muuse Biixi.

Kulankaas ayaa isku bedelay mid Xamaasadeysan kaddib markii Xildhibaan Dhakool madasha ka sheegay in Beelaha Harti taageersan yihiin Musharraxnimada Muuse Bixi, waxana markii dhawaqaasi kasoo yeedhay Xildhibaan dhakool, iyana madasha ka kacay Xildhibaan Bulqaas, Foolge iyo Xubno kaloo miisaan ku leh Beeaha Harti. kuwaasoo markiiba Madasha ka kacay iyagoo Cod dheer kaga dareen celiyey hadalkii Xildhibaan Dhakool, waxanay sheegen in aanay ku wada-socon Taareero Muuse Bixii loo sameeyo, sidoo kale-na waxay hoosta ka xariiqeen in Beelaha Harti uu kaga Miisaan badan yahay Musharaxa kale ee Maxamed Bixii Yoonis waxanay intaa ku dareen in Muuse aanu dalka hoggaamin karin isla markana Beelaha Harti ay dooranayaan cidi Somaliland isku hayn kartaa. Kulankii Muuse Biixi u qabtay xubnahaBeelaha Harti ee golaha dhexe Kulmiye ayaa waji-murugo ku abuuray Muuse Bixi kusoo dhamaaday, kaasoo u ku xaqiiqsaday in uu Beelaha Harti kaga taageero badan yahay Musharrax Maxamed Bixi Yoonis, waxanu goobta kala hulaalay Muuse Biixi guuldaro Siyaasadeed.

Dhinaca kale, xubnaha Beelaha Guda-buursi ugu jira golaha dhexe ee Kulmiye ayaa ku eedeyey Madaxweyne ku xigeenka Md Saylici in anu Beesha kala tashan hankiisa Mustaqbalka ee Musharaxnimada, waxanay cadeeyen in aanay haba-yaraatee wax taageero ah uu hayn Saylici iyo Muuse Bixi, iyagoo hoosta ka xariiqay Beesha Samaroon in ay taageersan yihiin Musharrax Maxamed Biixi Yoonis oo ah aqoonyahan, hoggaamin kara Mustaqbalka shacabka Somaliland.

Si kastaba ha-ahaatee kulannada uu intaa badan soo qaban-qaabiy Muuse Bixi iyo xullufadiisu ayaa kusoo dhamaad waji-gabax, iyo guuldaro siyaasadeed waxan muuqata tallaaba kasta oo uu qaado Muj Muuse Bixi inuu fashil kusoo idlaado.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *