Search

MUUSE BIIXI Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Inuu Shir-weynaha Gollaha Dhexe Qabsoomayo Xiligii Loo Qoondeeyay

Hargaysa:(Foore)-Guddoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka haya ee KULMIYE,ayaa si rasmi shaaca uga qaaday in Shir-weynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu qabsoomi doono Xiligii loo asteeyay oo ah 10 Bishan oo ku beegan Maalinta Sallaasadda ah ee Todobaadkan.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharrax u taagan jagada Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo maanta ka hadlayay Munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore Duulista Iyo Hawadda, Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas dhawaan loo soo Magacaabay Cismaan Saxariid Caddaani, ayaa waxa uu intaas raaciyay in dhamaan Hawlihii lagama maar-maanka u ahaa qabsoomidda Shir-weynaha ay meel gobo-gabo ah marayaan,waxaanu sheegay in inta hadhayna ay Maalmaha soo socda ay u dhamaanayaan.

Gudoomiyaha,ayaa sidoo kale sheegay in Khilaafka Siyaasiga ah ee taagan uu yahay mid laga gudbi karo oo aanu ahayn caqabad qabsoomidda Shirka hor-istaagi karta.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *