Muuse Biixi Oo Ku Soo Guryo Noqoshadiisi Dalka Afka Ka Xidhay Saxaafadda Iyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Ku Tiraabay Inuu Daallanyahay

Waftiga Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Soo Laabtay Iyo Guusha Safarkooda Oo Ay Ku Soo Koobeen Dhismaha Xisbiga KULMIYE Ee Qurbaha
Hargeysa (Foore)-Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo waftigii uu hoggaaminaayay oo ay xubno ka ahayeen raxan Wasiiro ah iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Waftigan oo safar laba todobaad qaatay ugu muqnaa dalalka Imaraadka iyo Ingiriiska, ayaan la hadal Saxaafadda. Marka laga reebo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo si korka xaadis ah u dul cararay u jeedada Safarkooda iyo maxsuulka ay la soo guryo noqdeen.
Geesta kale Marka laga reebo Madaxweynaha oo dadku filayeen inuu shacbiga uga waramo natiijada socdaalkooda, waxa isaguna Saxaafadda afka ka xidhay Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo u muuqday in lagaga xoog ronaaday saxadii tartanka Siyaasadda, kadib markii Xisbiga loolanka adagi ka dhaxeeyo ee WADDANI uu labadii todobaad ee ay dalka ka maqnayeen uu qaabilaayay Siyaasiyiinta dalka ugu miisanka weyn iyo tageerayaal ay wataan oo si layaab leh ugu soo jabay.
Si toosa ayuu Muuse Biixi Cabdi u diiday inuu Saxafadda la hadlo, halka Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah gacanyaraha Madaxweynahu ku tiraabay inuu daalanyahay oo aanu hadli karin.
Si kastaba ha ahaate Safarka Waftiga Madaxweynaha oo ahaa waftigii ugu ballaadhna ee dalka debadiisa socdaal ku taga, ayaan la kulmin cid ka tirsan Dawladaha Imaraadka iyo Ingiriiska, waxaana guusha ugu weyn ee socdaalkaas uu ku sheegay Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Waftiga u hadlay, dhismaha Xisbiga KULMIYE ee qurbaha oo Waftigu xooga saaray.
Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *