BREAKING NEWS
Search

Muuse Biixi Oo Ka Digay Khatarta Somaliland Kaga Soo Fool Leh Shirka Magaalada Muqdisho Ka Socda Ee Lagu Dhisayo Dawlada Cusub Ee Soomaaliya

Hargeysa (Foorenews)- Hogaamiyaha xisbiga talada Somaliland ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , ayaa ka digay  halista ka dhalan karta in dawlada cusub ee Soomaaliya ay sheegato Somaliland in ay ka mid tahay dalkeeda, maadaama oo dastuurka cusub  lagu qeexay  in Soomaaliya tahay dal  mid ah.


“Maanta Xamar waxa ka socda  shirar waaweyn dawladbaa la dhisayaa . distoor baa la sameeyay, waxa nasiib daro ah in walaalaheen Koonfureed distoorkoodu uu yahay mid ay Somaliland ku jirto  oo marka ay hadlayaan distoorkana aanay ka reebin afkooda aanay ka reebin, taasi waxa weeye waxa ay noqonaysaa  dhibaatada Koonfur  ee iyaga wax isku keeni kari laayihiin ee Mahiga uu dhexdhexaadinayo ee Madaxweynihii  iyo Ra’iisal wasaarihii, waxa ay dhalayso waa aynu garanaynaa. Waxa ayaan daro ah in ragga halkaa isugu tagay in aanaweli afkoodo soo marin  waar hadaynu inagu burburnay yaa inoo xiga  Somaliland oo ah dal anynu lixdankii midownay ee aynu iga garab galno” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.Guddoomiye Muuse oo ka hadlayay  munaasibad soo dhaweyn ahayd oo xisbigiisu u qabtay  xubno ka soo goostay  xisbiga mucaaradla ah ee UDUB , ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay  si cad u sheegtaan  dhulka Somaliland,laakiin aan jiri doonin midnimo dhexmarta  labada dal mar dambe.

 

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa wakhtiyadan dambe  ka hadla siyaasada arrimaha dibeda, isaga oo si gaar ah hadaladiisa diirada ugu saara dalka Soomaaliya, isla markaana dhaliilo u jeediya madaxda dalkaas.

Foorenews/Hargeysa.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *