Mustaqbalka Mesut Ozil, Soo Noqoshada Ramsey, Kulanka Middlesbrough Iyo Waxyaabihii Uu SHirkiisa Jaraa’i Kaga Hadlay Arsene Wenger

Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka ay kooxdiisa dooneyso iney ku dheereysato guulaha xiriirrka ah ee ay la ciyaari doonaa Boro todobaad dhamaadkaan, Wenger ayaana ka hadlay waxyaabaha ay kamid ka yihiin.

Macalinka re France ayaa u sheegay Mesut Ozil inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Gunners wuxuuna shaki galiyay in isaga qudhiisa uusan hubin waxa uu sameyn doono kadib xili ciyaareedkaan.

Wenger aya yiri “Eeg, marwaliba wada soconaa, Mesut wuxuu ku jiraa meeshii ugu wanaagsaneyd ee waayihiisa ciyaareed, waxaan kula talinayaa inuu mustaqbalkiis au hibeeyo kooxda, taas ayaa ah qorshaha aan aniga aaminsanahay, wuxuu joogaa meeshii ku habooneyd”.

arsene-wenger-mesut-ozil-alexis-sanchez-main

ISagoo ka Hadlayay mustaqbalka Sanchez wuxuu yiri “Si lamid ah Mesut, waxaan si wanaagsan ula soconaa xaalada Alexs, meel fiican ayeeyna wax inoo marayaan, waan hubaa labadaba waa ay saxiixi doonaan heshiiyo cusub”.

Xaalada Aaron Ramsey “Wuxuu soo laaban doonaa kulanka Sunderlan ee dhamaadka bishaan, inta ka horeyso wuxuu u baahan yahay inuu dhiso xaaladiisa taam ahaansho”.

Isagoo Ka Hadlayay Kulanka Middlesbrough“Waa koox fiican, wuxuu kulanka noqon doonaa mid adag, waxaan rajeyneenaa kulan dhib badan”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *