Search

“Musharraxnimada Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye Waxa Ay Xujo Ku Tahay Qaranka” Xasan Cumar Hoorri

Hargeysa (Foore)- Agaasimaha Guud ee Koomishanka La dagaalanka Musuqmaasuqa Aqoonyahan Xasan Cumar Hoori ayaa qormo si farshaxan leh u dhigan ku faafaahiyey damaca siyaasadeed ee Md. Saleebaan Xaglo-Toosiye Wasiirka Caafimaadka ee loolanka Xisbiga Kulmiye Murashaxnimada Jagada Madaxweyne-kuxigeen, taas oo Xujo ku noqoneysa Qaranka Somaliland sida uu hadlka u dhigay. Qormadan oo dhameys tirani waxay u dhigneyd Sidan: “Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa si madax-bannaan ugu ordaya murrashaxa Madaxweyne Ku xigeen ee xisbiga Kulmiye isagoo ka digtoon in uu tartanka u daba-fadhiisto murrashax madaxweyne. Waxaa iyana xusid mudan, Dr. Xaglotoosiye in uu yahay murrashaxa keliya ee u taagan dhammaan Gobolada Bari. Haddaba, marka laga eego dhinacyada waayo-aragnimo, aqoon, wax-qabad iyo saamaynta uu Dr. Xaglatoosiye ku leeyahay bulshada, waxaa uu ku sifoobayaa qof u qalmo xilka uu holliyay, Durbaba wasiirku waxaa uu kasbaday taageerada shacabka iyadoo mudadii koobnayd ee uu xilka hayay wax-qabadkiisu uu ka hillacay cidhifyada dhammaan gobolada dalka. Sidoo kale, wasiirku waxaa uu wax badan ka soo taray midaynta haybta uu ka soo jeedo ee ku baahsan gobolada Badhan, Sanaag, Sool, Xaysimo, iyo Buuhoodle. Isla markaa, waxaa uu gacan ka geystay sidii degaamadaas loogu fidin lahaa maamulka iyo horumarka dalkeenna ka taabba qaaday. Runtii, wasiirku waxaa uu hiigsanayaa sidii gobolada Bari loo gaadhsiin lahaa nabadda, maamulka, iyo horumarka, taasoo ah hal-ku-dhegga ololahiisa iyo ujeedada dhabta ah ee uu isu soo taagay. Isla markaana ah xil qaranku uu ka gaabiyay 20kii sannadood ee danbe. Inkastoo, Dr. Xaglatoosiye uu yahay murrashaxa ugu habboon jagada madaxweyne ku xigeen, waaba haddii uu ka baaqday isu taagidda madaxweyne, waxaa soo ifbaxaya siyaasiyiin u arka inuu halis ku yahay danhooda qoys kana welwel qaba inuu jebiyo derbiga soo jireenka ah ee lagu duudsiyo xuquuqda dadka iyo degaamada Bari. Sidaa awgeed, hanka Dr. Xaglatoosiye xujo culus waxaa uu ku yahay Somaaliland.
1. Dr. Xaglatoosiye waxaa uu xujo ku yahay qaranka iyo qasriga madaxtooyo oo tan iyo maalintii la yagleelay hoy u ahaa Beesha Dhexe iyo Beesha Galbeedka Fog. Haddaba, 25 sannadood ka dib, waa markii ugu horraysay oo qof ka soo jeedaa Bariga Fog uu damco in uu ku xeroodo Qasriga Madaxtooyo. Isweydiintu se waxaa ay tahay waxa ay ka yeeli doonaan dadka aaminsan qasrigu inuu yahay sed ay iska dhaxalaan beelo gaar ah.
2. Dr. Xaglatoosiye xujo waxaa uu ku yahay dimuqraadiyadda Somaaliland. Sida muuqata, guud ahaan bulshada Somaaliland waxaa ay murrashaxa u muujiyeen taageero ballaadhan. Markaa waxaa iyana isweydiin mudan Somaaliland in ay noqon doonto carro shacabku ay ka taliyaan ama ciid uu ka hana-qaadi karo rabitaanka dadku. Mise, waxaa ay ku caddaan doontaa meel taladu ay ku soo ururto tiro kooban oo ku danaysata magaca qaran tasoo xilligeedii gabaabsi uu yahay.
3. Dr. Xaglatoosiye xujo waxaa uu ku yahay Xisbiga Kulmiye oo sida la wada og yahay xubnaha Golahiisa Dhexe lagu qoondeeyay sed-bursi beelaysan oo aan u adeegayn sinnaan iyo hiigsiga midnimo shacab. Beesha Bariga Fog waxaa ay Golaha ku leeyahiin tiro 40 xubnood ah. Ogow, beeshaasi waxaa ay ku fadhidaa 30% bedka Somaaliland (45,866 km²), waxaana ay tahay beesha 1aad ama 2aad ee dalka ugu tiro badan.
4. Dr. Xaglatoosiye waxaa kale ee uu xujo ku yahay haybta uu ku abtirsado oo ka maqnayd hoggaaminta dalka rubuc qarnigii uu qaranku jiray. Balse, labada dhinacba waxaa cudur-daar ugu filnaa in damaca reerku ka gaabiyay saaxadda lagu baritamayo. Hase ahaatee, maanta, waxaa ay bedka soo dhigeen murrashaxii ugu mudanaa. Haddaba, maxaa laga filan karaa tolka haddii murrashaxooda si cadaalad-darro ah loogu curdan-dhadhiyo tartanka kowaad ee Golaha Dhexe?
5. Ugu danbeyntii, hanka Dr. Xaglatoosiye, xujo waxaa uu ku yahay bulshada caalamka ee aan ka sugaynno taakulayn, taageero siyaasadeed iyo aqoonsi. Hase ahaatee, aqoonsiga muddo dheer lagu soo hungoobay waxaa loo aaneeyaa talada dalka oo adduunku u arko in ay ardaaga ka fadhiyaan qaybo ballaadhan oo ka mid ah muwaadiniinta. Si kastaba ha ahaatee, bulshada caalamka, dawladaha deeqda bixiya iyo saaxiibada Somaaliland waxaa ay indho foojignaan badan ku eegayaan natiijada ka soo yeedhi doonta Doorashda Kulmiye si ay u kala hubiyaan in loo siman yahay talada dalka iyo in ay tahay mid kooto ugu xidhan beelaha qaarkood.
Hoga-tusaalaynta aan kor ka soo xaadinay waxaa ay horseed ka tahay tiro weydiimo ah oo si qotto dheer bulshadu u falanqaynayso. Arrinku, si gaar ah, waxaa uu u taabanayaan dareenka dhursugaya ee gobolada Bariga Fog inkastoo uu saameeyo dalka intiisa badan. Dhawaaqa ka soo yeedhaya doodaha ooggan waxaa uu daarran yahay in aan la lumin fursadan oo runtii qabyo-tir u noqon doonta dhismaha qaranka. Dhinaca kale, hanka Dr. Xaglatoosiye tijaabo waxaa uu u yahay kuwa soo gacan haadinaya ee qaba in laga xadhig-furto Somaaliland oo ay u arkaan madal laga caadaystay in beelaha qaarkood lagu fuliyo waxii iyaguba ay ka dhiidhiyeen. Isku soo xooro, jawaabta keliya ee qaranku kaga muquuran karo xujada uu ku soo dhex tuuray Wasiir Xaglatoosiye waxaa ay tahay isagoo guul kaga soo ambabaxo Golaha Dhexe. Balse haddii murrashaxu ku dhex bariiqdo golaha, dadka u ma arki doonaan in uu ku hadhay doorasho xor iyo xalaal ah. Marka horeba, halkee xalaashu taallaa haddii waxii rag ka dhexeeyay (awoodda codka) ay ku jiraan gacmo gaar ah. Haddii se ay sidaa u dhacdo, ogow qarannimada aan ku wada taamaynno in ay ku go’ayso gacanta, 25 sannadood ka dib, u codaynaysa in aan dalka iyo talada la wada lahayn iyo in reerahu u qorshaysan yahiin kuwo shacab ah iyo kuwo xukuumadda ehel u ah!. Wax badan ayaa Bariga Fog lagu suntay inuu wiiqayo qaranka. Dadka la eedaynayaa miyaanay ahayn kuwa rasaasta kala hortegay walaalahood? Runtii, ma jirto beel kale oo neefteeda u hurtay ama walaalaheed u sadqaysay qaranimada Somaaliland. Si kastaba ha ahaatee, maanta, taladu waxaa ay u taallaa Golaha Dhexe ee Kulmiye. Iyaga oo keliya ayaa awood u leh in ay dalka ku qotomiyaan run, cadaalad, sinnaan iyo horumar ka iibsama dadkeenna iyo shisheeyaba. Bariga Fog dhankiisa waxaa uu ku taamayaa sidii gacan buuxda looga geysan lahaa Somaaliland cusub, mid dhib iyo dheefba wadaagta, iyo mid lagu wada naaloodo midnimo, sinnaan iyo milge. Sidaa darteed, haddii Dr. Xaglatoosiye uu guul ka la soo carraabo Golaha Dhexe, xisbiga Kulmiye waxaa u soo hoyan doonta lib aan la loodin doonin, codka ugu bandan oo ka soo xeroon doona Bariga Fog iyo weliba qarannimada oo ka hana-qaada dhammaan soohdimaha dalka. Haddi kale, sidee loogu sii negaan karaa dal muwaadinkii marti uu ka yahay taladiisa, (madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, guddoomiye baarlamaan, mid guurti, mid garsoor, mid hay’ado qaran, mid bangi-bank, garyaqaan guud, hanti-dhowr, xeer ilaalin, xisaabiye guud, guddoomiyayaal iyo ku xigeenno xisbiyo qaran, hoggaamo ciidan) iyo meel beelaha qaarkood ka takooran yahiin 100ka kursi ee dalka looga arrimiyo. Caasimadda Hargeysa weli haddii ilaa hadda aanay u bislaan in dalka la wada leeyahy waxaa gar ah martida raagtay in ay banneeyaan. Taariikhduna hore uma qorin haddana ma qori doonto dad dhulkoodi iyo geellii ay lahaayeen u soo baylihiyay in ay dhoobir ka noqdaan dhul iyo geel rag kale leeyahay, Xaasha-Iillaah ma dhici doonto ilmaha ilmahiisa in loo go’aamiyo wax aanu geyin oo aan lagu toli karayn”. Ayuu Kusoo Gunaanadey Qormadiisa Agaasimaha Komishanka Ladagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Aqoonyahan Xasan Cumar Hoori.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *