Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Caddeeyey Farqiga U Dhexeeya Waddani Iyo Kulmiye, Tilmaamayna Inuu Ku Kalsoonyahay Codad Iyo Taageero Badan Inuu Ka Helayo Gabiley Iyo Awdal, Martina Aanu Ku Ahayn

Sallaxlay, Sept, 12, 2017 (Foore) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in farqiga u dhexeeya ee ay ku kala duwan yihiin xisbiga Kulmiye ee uu doonayo in shacbigu ay ogaadaan ay tahay in xisbiga Waddani uu aaminsan yahay Siyaasad ah Somaliland la wada leeyahay oon la kala lahayn, lana kala sheegan karin, balse xisbiga Kulmiye uu aaminsan yahay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin galbeedka Somaliland. Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaa ku daray inuu rumaysan yahay inuu cod iyo taageero badan uu ka helayo gobolada Gabiley iyo Awdal oo aanu marti ku noqon karin. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sidaasi sheegay hadal uu u jeediyey taageerayaal iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmada Salaxlay oo shalay ku soo biiray xisbiga Waddani, iyagoo ka soo digarogtay xisbiga Kulmiye. Waxaanu intaasi ku daray in Xisbiga Kulmiye markii uu safarka ku marayey gobolada Galbeedka uu sheegay in xisbiyada Mucaaridku ay marti ku yihiin gobolada Galbeedka taana macnaheedu uu yahay in Kulmiye uu aaminsan yahay in Somaliland la kala leeyahay. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa intaa ku daray in Xisbigooda Waddani uu rumaysan yahay in Kulmiye aan laga lahayn, Laascaanood, Oodweyne iyo Burco toona oo Somaliland la wada leeyahay. Musharaxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro oo khudbadaasi u jeediyey shacabka iyo taageerayasha xisbiga Waddani ee degmada Salaxlay ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan Shacbiga degmada Salaxlay siday u dhan yihiin, waxaanu uga mahadnaqaynaa sida milgaha leh ee maamuuska leh ee aad noo soo dhaweyseen ayaanu idiinka mahadnaqaynaa, waxaan intaa ii raaca oo aan aad ugu mahadnaqayaa dadkii hawshaasi ka qayb qaatay ee abaabulkaa ka qayb qaatayna waan u mahadnaqayaa. Maanta waxa xaflada iyo munaasibadaba iska lahaa xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Salaxlayo, anaguna waxaanu u nimid olole kale umaanaan imane inaanu kala qayb qaadano ku soo biiristooda ay xisbiga Waddani ku soo biirayeen, munaasibadaa weyn ayaanu uga nimid Hargeysa si aanu uga qayb galno. Degmo kasta codkeeda waynu ka war haynaayoo waxa uu ku yimaadaa dadka iyaga matalaya, codka Salaxlay dhamaantii waxa ka Wakiil ah Golaha Deegaanka Salaxlay, haday Sagaal xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Salaxlay ay maanta ku soo biireen xisbiga Waddani intii kalena soo socoto, waxaad garanaysaan shacbiga ay matalaan oo ah dhamaan shacbiga degmadan ku nool oo taageeradoodii ay u soo badaleen kuna taageerayaan xisbiga Waddani, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, waxaan ka rajaynayaa in codkoodaasi iyo taageeradoodaasi uu sabab u noqdo guusha xisbiga Waddani hadii Alle yidhaahdo. Aasaasayaashii UCID baan ka mid ahaayoo, barigii aanu soo baxaynay golihii deegaanka ee 2002-dii, dagmadii ugu badnay ee codka siisay degmadan ayay ahayd, markaa waxa la yidhi Geelaa codeeyey barigaas, maanta Geela iyo Adhiguba way codaynayaan hadii alle ka dhigo. Laba Eray ayaan doonayaa inaan ka idhaahdo safarkii Kulmiye ee Galbeedka, hal wax ayaanu ku kala duwanahay Kulmiye shacbigu ha noo ogaado, Somaliland Siyaasada uu ku dhaqayo xisbiga Waddani waxa weeyi in la abuuro Somaliland la wada leeyahay, Xisbiga Kulmiye markii Galbeed joogay hada waxa uu yidhi ‘Asxaabta kale waa ku marti, taa macnaheedu waxa weeyi lama wada lahaa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *