Search

“Musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo, Markiisa Labaad, Waxay Badbaadisnaysaa JiritaankaKulmiye Iyo Shacbiyadiisaba ”.Ag.Waaxeed W.Gudaha.

Qoraal Dheer oo agaasime waaxeed ka tirsan wasaarada Arimaha guduhu uu kaga hadlay xaalada Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu ku yidhi “Sida aan ogsoonahay Xisbiga Kulmiye waa xisbi facweyn oo ku suntan taariikhda Somaliland, hadana ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada qaranka ee dalkan jamhuuriyada somaliland kaasi oo haysta aqlabiyada bulshada Somaliland, isla markaana ah Xisbil xaakimka dalka hogaaminaya, ee ay ka soo jeedo xukuumada Somaliland, sidoo kale waxa uu xisbiga kulmiyi ku suntan yahay barnaamijyada hor umarineed iyo wax qabadka balaadhan ee ay hirgalisay Xukuumada talada haysa ee ka soo jeeda xisbigan.
Haddaba waxaa jirta in xisbigan kulmiye hada ay ka soo cusboonatay gudihiisa loolan iyo tartan loogu jiro Musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga kulmiye doorashooyinka soo socda , waxaana jira xubno katirsan xisbiga iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga oo ku dhawaaqay inay u taagan yihiin musharaxnimada madaxweyne ee xisbiga kulmiye, kuwaas oo loolan iyo olole xoogan ugu jira sidii ay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga u kala hororsan lahaayeen.
Runtii waa arrin cusub isla markaana xisbiga ku keeni karta burbur iyo falfaliidh, hadii aan si sax ah loo maarayn, caqliyad saliimana lagu waajihin.
Marka si loo eego loolankan waa mid sahlan waayo xisbigu laba musharax kama soo wadi bixi doonaan ee hal musharax ayuunbaa ka soo bixi doona, marka dhinaca la eego way fududahay waxana xaqiiq ah in Xisbiga uu ka soo bixi doono hal musharax ee aanay laba kazoo wada baxayn laakiin waxaa mushkiladu tahay una baahan in lagu saleeyo so xulista musharaxa madaxweyne ee xisbiga, Aqlabiyada , iyo Xulafada uu ku dhisanyahay Xisbigu, si tartanka danbe ee Xisbiyadu ugu tartami doonaan hogaanka dalka, oo uu ahaado mid ay u sii dhisantahay shacbiyadii iyo bulshadii taagerada u haysay xisbiga, maxaa yeelay arrinta soo xulista musharaxnimadu waxay saamayn ku yeelanaysaa shacbiyadii xisbiga u codaynaysa tartanka doorashada ee soo socda.
makraa waa in ayna xulista musharaxnimo ee xisbigu noqon mid galaafata taageradii sharcabka balse waa in garabyada loolamaya oo samayn ku leh bulshada taabacsan xisbiga, damacyadooda la is wafaajiyo oo xisbigu gudihiisa is qanciyaa. tan ayaana ah mida u horseedi karta musharaxa madaxweyne ee xisbigu soo xulo in uu ahaadoo mid hadhaw marka la gaadho doorashada, heli kara wakhtigana sii haysta farta ama codka bulshadii iyo aqlabiyadii xisbigu ku dhisnaa ee taagerada u ahaydba. Sidoo kale waxay dhaxalsiinaysaa in xisbigu u noqdo mid mar kale ku guulaysta hogaanka dalka , isla markaana caabiya tartanka xisbiyada kale ee iyaguna u tartamaya hogaaminta dalka,.
Arrimahan aan soo xusnay waxay ku xidhanyihiin hadba sida loo mareeyo loolankan hadda ee xisbiga dhexdiisa, iyagaan sal u ah, balse hadii mawduucan manta taagan ee xisbiga gudihiisa la marin habaabiyo xisaabo qaldana la isu gaysto, waxa meesha ka baxaysa bulshadii iyo shacbiyadii uu xisbigu lahaa , hadii taasi dhacdana waxa hubaal ah in xisbigu uu burburayo.
Waxa kale oo xaqiiq ah in xisbiga kulmiye hadii uu burbur ku yimaado, in uu mugdi galinayo dhamaan tacabkii iyo taariikhdii Xukuumada, talada hada haysaa ay qabatay, waxa kale oo burburka xisbiga kulmiye saamayn xoogan ku yeelanaya dalka iyo shacabka Somaliland oo u ku keenayo , dhabar jab iyo sumcad xumo aanay ka soo waaqsan.
Haddaba si aan taasi u dhicin, maxaa loo baahanyahay ee la gudboon hogaanka sare ee xisbiga iyo xukuumadaba, siiba Madaxweynaha Maanta dalka hogaaminaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo,?
Aragti ahaan waxaan aaminsanahay, in qodobadani ay yihiin kuwo dawo u noqon kara isla markaana ay ku jirto badbaadada Xisbiga kulmiye inuu sii xajisto kaalinta hogaaminta dalka, kana ilaalin kara wax kasto raad xun ku yeelan kara waxqabadkiisii, iyo wada jirkii aqlabiyada bulshada ee uu hore ugu hantay hogaaminta dalkan.
Waxa aan ogsonahay oo jirta in Xisbiga kulmiye ku dhisnaa qaacido taasi oo uu kula baxay magaca (JEEGAAN) Jegaani waxay ka turjubaysay ama ay u taagnayd aqlabiyada uu ku dhisnaa xisbiga kulmiye oo ahayd sadexda beelood ee kala ah H.Jeclo, Arab, Iyo Sacad Muse), inkastoo aanay iyana ka madhnayn beelaha kale oo ay qayb ka ahaayeen xisbiga balse aqlabiyada kulmiye waxay ahayd, sadexdaa beelood ee aan soo xusay.
Sida muuqatana waxa aan hore u ogayn in madaxweynaha Somaliland , Md Silaanyo Musharax u yahay marlabaad Xisbiga kulmiye, balse waxa in dhaweyd dhawaaqyo ay ka soo yeedhaan Xubno ka tirsan , Beelaha Arab Iyo Sacad muuse , kuwaasi oo sheegay inay u taagan yihiin musharaxnimada madaxweyne ee Xisbiga kulmiye.
Sidaa awadeed. Fikir ahaan waxaan aaminsanahay in baadbaada iyo Wada jirka Xisbiga kulmiye iyo Xulafadiisuba ay ku jirto labadn qodob kuwaas oo kala ah sidan:
1- Musharaxnimada Madaxweyne silaanyo, markiisa labaad, waxay noqonaysaa mid badbaadisa Jiritaanka Xisbiga kulmiye iyo Shacbiyadiisaba isla markaan soo afjarta muranka iyo loolanka qadhaadh ee ka taagan xisbiga gudihiisa, taasi waxaan u arkaa inay dawo fiican u noqonayso Jiritaanka xisbiga, iyo in uu xisbigu marlabaad guul ka soo hoyo tartanka doorashooyinka madaxtinimo ee la galayo.
2- Qodobka labaad Hadii ay dhacdo in madaxweyne silaanyo ka tanaasulo, musharaxnimada madaxweynenimo ee Xisbiga, kulmiye waxaa la gudboon in uu si miisaaman oo ay ku jirto guusha, sumcada, iyo wada jirka xisbiga iyo xulafadiisuba, waxaa loo baahan yahay in uu madaxweynihu u maareeyo loolanka, musharaxnimo ee Beelaha Arab iyo Sacad Muuse ee xisbiga gudhihiis si waafaqsan kuna dhisan qaacidadii ay ku dhisnayd Xulafadii Xisbiga kulmiye , taasi oo ah labadan garab ama beelood ee hada ku loolamaya musharaxnimada madaxweyne, ee xisbiga in uu midna musharaxnimada ku dhiso , mida guddomiyenimada xisbigu ku dhiso, si loo badbaadiyo Jiritaanka xisbiga iyo xulafada uu salka ku hayaba.Guntii iyo gabagabadii Arrintan ayaan u arkaa inay tahay mida ugu haboon ee ka badbaadin karta xisbiga kulmiye burbur soo wajaha isla markaan, u sahalaysa in uu xisbigu marlabaad ku guulaysto hogaaminta dalkan, Madaxweynaha J.somaliland u noqonaysa khatinka ama dhamaystirka guulihiisii hore ee taariikhiga ahaa.
Agaasimaha waaxda gobolada dhaqanka iyo siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *