Search

Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Safar Ugu Baxay Dibada , Dalka Uu Tagay Iyo Ujeedka Safarkiisa

Hargeysa (Foore):- Murrashaxii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi

“Cirro” ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishii Nofeember ee dhamaatay kadib waxa uu safar ugu baxay magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya.

Murrashaxx Cabdiraxmaan Cirro ayaa baxay Doraad,ujeedada socdaalkiisana wax war ah kamay soo saarin xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,balse xogoha aan helayno ayaa tibaaxaya in safarka Murrashax Cirro uu yahay mid Shakhsi ah isla markaana ay ku waheliyaan qoyskiisu.

Murrashax Cirro ayaan warbaahinta la hadal,waxaana warbaahinta ugu danbaysay habeenkii uu shaaciyay in uu danta Qaranka ee guud uu u aqbaly natiijadii doorashada oo uu sheegay in ay ahayd mid madmadow badan uu ku jiray.

Madaxweynaha la doortey Md Muuse Biixi Cabdi iyo Musharaxii uu ka guuleystay ee Cabdiraxmaan Ciro Ayaan wali yeelan kulan fool ka fool ah marka laga reebo xabaal dusheed oo ay salaan iskula holadeen

Ilaa hada lama oga in Musharax Ciro soo laaban doono oo uu ka qeyb gali doono xaflada caleemo saarka madaxweynaha la doortey Muuse Biixi oo qabsoomi doonta 14.12.2017




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *