Search

Musaharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Jawaabay Raali Galintii Uu U Fidiyay Daahir Rayaale Kaahin Iyo Nuxurka Qoraal Uu Jamal Kaga Hadlay.

“Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Waxa Uu Muujiyay Inuu Yahay Hogaamiye Aragti Dheer Leh,Madaxda Africanka Way Ku Adag Tahay Qaladkooda” Jamaal Cali Xuseen.
London(Foore) – Murashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka aqbalay raali galin uga timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo maalin saddexaaddii oo uu dalka dib ugu soo laabtay weedho uu u jeediyay dadkii soo dhaweeyay uu halkaasi raaligalin uga diray Jamaal Cali Xuseen Iyo Cabdirashiid Xasan Mataan,waxa uu Jamaal Madaxweyne Riyaale ku tilmaamay Hogaamiye dhab ah maadaama oo uu qirtay qalaadkii ka dhacay.
Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal uu kaga hadlayo aqbalaada Raaligalinta Madaxweynihii hore Somaliland Md Daahir Riyaale Kaahin soo dhigay barta Internetka uu ku leeyahay ee Facebook-ga ee Bulshada uu kala xidhiidho,waxa uu Jamaal sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ku sifoobay hogaamiye soo maray Qaarada Afrika kii ugu wanaagsanaa,waa sida uu ku qoray qoraal uu soo dhigay Facebookga oo aanu ka soo xiganay. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa Doraad markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ka raali galiyay Xisbigii UDUB ee uu kala masayray inuu u dhiibo,kuna wareejiyay Wasiir Waran cade oo uu ku eedeeyay inaanu hankiisuba dhaafsiinayn Mansab Wasiirnimo islamarkaana uu Xisbigii UDUB gacanta Warancade ku burburay,Isagoo Daahir Riyaale muujiyay maalintii dhawayd sida uu Wakhtigaasi u garan waayay inuu Jamaal ku wareejiyo maadaama oo uu nin han leh yahay.
Hadaba Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal Facebooka soo dhigay ku sheegay inuu ka aqbalay Daahir Riyaale Kaahin Raaligalinta uu hore ugu soo jeediyay waxaana uu qoraalkiisa ku yidhi sidan “Waanu ka aqbalnay Madaxweyne Daahir Rayaale raaligelintiisa,Hogaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garowshiiyo yeesho,Madaxweyne Rayaale wax badan buu dalkan ka soo qabtay, milgo iyo sharaf buu mar walba dalkan ku leeyahay,Dalkan qaladaad badan iyo dulmi badan oo ka dhacay cidna dusha looma saarin, taasibaan marwalba keenta in aynaan waxba ka baran, oo aynaan qaladaadkeena ka faa’iidaysanin”.
Waxa kale oo uu ku yidhi qoraalkiisaasi “Illaahay mar walba haynaga yeelo kuwa xaqa fahma,madaxweyne Daahir Rayaale maanta wuxuu inoo muujiyey inuu yahay hogaamiye aragti dheer, Madaxda Africanka way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda. Bal Aynu sugno in siyaasiyiinta Somaliland inay ummadda hor istaagaan oo qaladkooda qirtaan,Madaxweyne Riyaale waan u qirayaa siduu dimuqraadiyada u soo dhisay 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan Iyo daacadnimaddiisa qadiyadda Somaliland,Illaahay Madaxda haynoo hagaajiyo”.ayuu qoraalkiisii ku soo gunaanaday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *