Murashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Berbera Kula Dabbaal-Degay Mawjado Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Ah Sheegayna In Haddii Uu Guulaysto Uu Dib Ugu Wada Noqon Doono Heshiisyadii Xukuumadda KULMIYE Gashay

“Berberi Way Ka Waynayd Hargeysa, Burco Iyo Boorama Maantana Waad Aragtaan In Laga Haajiray, KULMIYE Waa Kuu Berbera Baabi’iyey Oo Dhulkeedii Iyo Meel Walba Qaatay, Berberi Maanta Way Harraadan Tahay, Laydhkiina Waad Ogtihiin Halkuu Maray, Haybaddii Berbera Ayaan Soo.”…Murashax Cabdiraxmaan Cirro

Berbera, 30 October 2017- (Foore)- Musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kumanaan taageerayaal xamaasadaysan ah ayaa musharraxa kaga horyimid duleedka Berbera kuwaas oo ku dabaal degay jidadka magaalada markii dambena madaxdu khudbado ugu jeedisay fagaaraha Berbera oo ay isugu yimaadeen kumanaan jamaahiirta Waddani ah oo ku labisan calanka liimiga ah iyo sawirrada musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa Dr Maxamed Cali.
Masuuliyiinta gobolka Saaxil ee xisbiga Waddani iyo jamaahiirta liimiga ah ayaa si diirran u soo dhaweeyay weftiga musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Taageerayaasha ayaa gaadiidka kala duwan oo ay ka mid yihiin baabuurta waaweyn ee xamuulku waxay ku dhexmareen jidadka Berbera. Waxa sidoo kale jidadka la lugeeyay Musharraxa Waddani. Masuuliyiinta Gobolka ayaa balaadhan ugu mahadceliyay isu soo baxa balaadhan ee ay reer Berbera ku taageereen isbedelka xisbiga Waddani ku hoggaaminayo.
Agaasimihii wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa sheegay in uu olole laxaad leh u galayo dhisidda musharrax Cabdiraxmaan Cirro “Nimanka yuhuudda la yidha dhaqan ayay lahaayeen, dhaqanka ay lahaayeen waxa weeye qofka Diintooda ka baxa waxay odhan ‘jireen waxba muu ahayn’ Iyaga oo dhaqankaas leh waxa ka soo islaamay ninkii ugu weyna oo la odhan jiray Cabdillaahi Binu Salaam. Cabdillaahi wuu qarsaday Islaamnimadiisa waxaanu Nabiga CSW ku yidhi inta aanad u sheegin in aan islaamay bal horta waydii Yuhuudda muxuu Cabdillaahi dhexdiina ka ahaa? Waxay yidhaahdeen waa nin Madax ah waliba nin madax noo ahaa ayaa dhalay, markaas ayuu ku yidhi bal haddii uu Islaamo ka warrama? Waxay yidhaahdeen ‘waa cadceedda oo galbeed ka soo baxda’ kadib Cabdillaahi ayaa ashahaatay waxaanay isla markiiba yidhaahdeen waa kii noogu sharka badnaa kii noogu sharka badnaana wuu dhalay. Maanta muuqaalka aanu leenahay, saamaynta aan gobolka Saaxil ku leeyahay ma bedelayo gelitaanka aan Waddani galay, iyaguna (Kulmiye) samayn maayaan in ay yidhaahdan markii aan Kulmiye ahaa in ay yidhaahdan Sheekh Saleebaan mar haddii uu halkaas joogo waa olole yahan Sheekh Saleebaan haddii uu ka taggana bisad noqon maayo sidii aan libaaxa u ahaa ayuun baan libaax u noqonaya,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Sandheere ayaa isna sheegay in ajar loo qorayo qofka Kulmiye u diida codka. Waxa uu sheegay in sababtu tahay Kulmiye oo xalaashaday xaaraanta iyo musuqmaasuqa Illaahay Xarrimay. Waxa uu bulshada gobolka Saaxil iyo magaalada Berbera ku boorriyay in ay taageeraan isbedelka lagu samaynayo hoggaanka Waddanka.
Siyaasiyiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis wasiirkii arrimaha dibada xukumadda Siilaanyo, wasiirkii arrimaha gudaha xukumadodii Riyaale Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil Yare) Abiib Diiriye Nuur oo xilal ka soo qabtay xukumaddii Somaliland dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan ku leh beesha Musharrax Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada reer Saaxil u sheegay in aanu jirin waajib qabyaaladeed ama tolnimo oo ku kallifaya in ay Muuse u codeeyaan maaddaama iyaga oo ay isku hayb yihiinba ku qanci waayeen hoggaamintiisa. Waxa ay bulshada ka wacdiyeen qabyaaladda kuna boorriyeen in ay taageeraan musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo ay u arkaan hoggaan dalka iyo dadkaba wax tar u leh.
Musharraaxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn ugu mahadceliyay reer Berbera kana hadlay baahiyaha gobolka Saaxil “Berbera waxyaabo badan bay caan ku ahayd; waxay caan ku ahayd dekedda, Madaarka, waxay caan ku ahayd haamo iyo warshado. Waxay ahayd magaalada Kaliya ee biyaha khasabaddaha laga cabo lahayd muddo dheer. Waxay ahayd xarunta ilaha dhaqaalaha Somaliland laakiin, maanta intiiba way hurdaan oo ma shaqaynayaan. Madaarkii ma shaqaynayo, warshadihii ma shaqaynayaan, dekeddii sideedii uma shaqaynayso, haamihiina waad ka war haysaan. Dhulkii Berbera maanta golaha degaanku ma bixiyo ee waxa laga bixiya Madaxtooyada, maayarku waxba ma bixiyo ee wuu iska fadhiya Ayaan filaya meesha. Waxaa la igu yidhi ilaa 50km waa la bixiyay marka magaalada dhinac walba laga eego. Dhulkii loogu talo galay in uu kayd u noqdo haammaha, dekedda iyo madaarka intiiba waa la bixiyay. Intaasiba waxaanu leenahay waa sharci darro. Go’aanka xisbiga Waddani waxa weeye hantida umadda ee aan ku bixin sifo sharci ah dib baa loo eegaya waxaana lagu soo celinaya gacanta shacabka,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.
Musharraxa xisbiga Waddani waxa uu sheegay in 1960s Hargeysa iyo Berbera isleekaayeen laakiin, Berbera u kori wayday laba arrimood oo kala ah biyo la’aan iyo laydh la’aan. Waxa uu tilmaamay in meelaha kulul sida magaalo xeebeedda Berbera u baahan yihiin biyo iyo laydh ku filan laakiin, la’aanta labadaasi Berbera ka reebtay magaalooyinkii la faca ahaa ama ka dambe dhismay. Waxa uu sheegay in caafimaadka iyo waxbarashada Berbera tahay mid aad u liidata. Musharraxa ayaa bulshada gobolka Saaxil u ballan qaaday in xisbigiisu wax ka qaban doono dhibaatooyinka haysta maaddaama oo uu wax ku soo bartay kana helay codkii ugu badna xilligii laga doortay 2005.
Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay dhawaan ra’isal wasaaraha Itoobiya ka wada hadleen sidii dekedda Berbera loog dhigi lahaa mid casri ah “Barigii dhawayd ee aanu kulanay ra’isal wasaaraha Itoobiya waanu ka wada hadalnay sidii Berbera looga dhigi lahaa deked Caalami ah. Insha Allah deked caalami ah ayaanu ka dhigayna oo u adeegta gobolka gaar ahaanna Itoobiya, Waddo iska daaye Tareen ayaanu keenayna tareen. Xisbi ahaan waanu soo dhawaynayna maalgashiga laakiin, waa in aanu suuq madow noqon ee uu noqdo mid baarlamaanku og yahay oo shacabku ogyahay. Dhammaan heshiisyadii xukumadda Kulmiye gashay dib baanu u eegayna,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.
Geesta Kale musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland siiba taageerayaashiisa u diray farriin nabad galyo kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday “Waxaan isleeyahay Kulmiye wuu niyad jabay, wuu quustay, sidaa awgeed wuu rafanaya. Waxaad ka war qabtaan in maalin dhawayd la isku dayay in xarunta Waddani ee Hargaysa la gubo oo taayirro ololaya lagu tuuray. Waxaad ka war qabtaan in gurigayga la weeraray, waxaad ka war qabtaan in bannaan bixii u dambeeyay Hargeysa lagu burburiyay in ka badan 40 gaadhi, waxaad ka war qabtaan in magaalada Oog la yidha Kulmiye 8 hablood oo Waddani ah ku dilay oo ay dhakhtarka Burco yaallaan, Hargeysa qaar baa midiyo la galiyay, intaas oo calan ayaa laga goostay xafiisyada Waddani laakiin, ma rabno in aynu Kulmiye oo kale noqono. Waxaan idinkula dardaarmaya in aynu nabadda ka shaqayno, dardaarankeenu waa nabad waa nabad waa nabad, waa dulqaad waa dulqaad. Waxaynu u diyaar garoobayna codaynta oo codka ayaynu ku kala baxayna, waxyaabaha dhacaya na cabsi gelin maayan, waxaanu u tudhayna dalka iyo dadka, waxaanu ilaalinayna in la isku dhaco, waxaanu hubna in aanu doorashada helayno,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in dunidu indhaha ku hayso doorashada Somaliland ficil iyo qawlba sidaas awgeedna loo baahan yahay tartan xalaal ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *