Search

Daawo Khudbad Taariikhi Ah Oo Musharrax Cabdilaahi Dheere Ka Jeediyey Munaasibad Lagu Taageerayay Go’aankiisa Musharraxnimo

Hargeysa (Foore)- Munaasibad balaadhan oo xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Muddane Cabdilaahi Ibraahim Habane ku shaacinaayey in uu yahay musharax u tagaan jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye ayaa maanta ka dhacdey hotel Safari ee magaalada Hargeysa.

Xafladan oo aheyd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano ka mid ah golaha guurtida Somaliland , Saladiin , aqoon yahan , dhalinyaro iyo haweeen

Waxaa ay dhamaantood sheegeen in Cabdilaahi Ibraahim Habane uu yahay shaqasi maanta xaq u leh in uu dalka ka noqdo madaxweyne ku xigeen isaga oo 23 sanno ee u danbeeyey ahaa Xogahayaha golaha Guurtida isla markaana uu yahay shaqasi aqoon buuxda u leh somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *