Search

Munaasibad Lagu Taageeray Wasiir Ku-Xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Dib-U-Dejinta

Hargeysa (Foore) – Munaasibad ballaadhan oo Arbacadii Shalay lagu qabtay Degmada Ceegaag ee Gobolka Sool, ayaa waxa taageero loogu muujiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo uu dhawaan xilkaa u Magacaabay Madaxwaynaha Somaliland.
Madax-dhaqameed, Waxgarad, dhallinyaro iyo Ururrada Haweenka ku dhaqan Degmada Ceegaag ee Munaasibaddaa ka qayb-galay ayaa Madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyey xilka uu u Magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, iyaga oo Sheegay in Aadan Cabdillaahi Cabdalle uu xilkaa u qalmo isla-markaana karti iyo aqoon u leeyahay.
Caaqil Cabdi Abuukar (Cabdi dheere) oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa hambalyo u diray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaanu yidhi, “Hambalyo ayaan leeyahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, waxaan leeyahay wada shaqeyn wanaagsan”
“Madaxwaynaha waanu ku hambalyeynaynaa xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Aadan Cabdillaahi Cabdalle. Sidaa daraadeed hawlaha Somaliland ka socda wixii nagaga beegan waanu ka qaban doonaa” ayuu yidhi, Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh oo ka mid ahaa Madax-dhaqameedka halkaa ka hadlay
Mid ka mid ah Waxgaradka halkaa ka hadlay ayaa isaguna yidhi, “Waxaanu doonaynaa oo aanu u taaganahay inaanu horumarka Somaliland ka qaadano kaalinta koowaad. Tahniyad baanu u direynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirradiisa, waxaanuna rajeynaynaa inay halkaa nooga sii kordhiso, Wasiir ku-xigeenkana waxaanu leenayay Hambalyo”
Haweenay ka mid ah kuwii halkaa ka hadlay ayaa iyaduna tidhi, “Waxaan Salaan u dirayaa Madaxwaynaha Somaliland iyo Marwadiisa iyo Wasiir ku-xigeenkayaga la magacaabay oo aan leeyahay Hambalyo” ayuu masuulkani hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *