Search

Mulkiilaha Iyo Masuuliyiinta Shirkadda OOMAAR Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Weli

Hargeysa (Foore)- Mulkiilaha Shirkadda Oomaar International Company (OMINCO) Mudane Xaaji Jaamac Oomaar Seed,Guddoomiyaha Guud ee Shiradda Oomaar Mudane Maxamed Cali Muxumed, Saraakiisa sarsare ee shirkadda iyo guud ahaan dhammaan Shaqaale weynaha shirkadda Oomaar International Company Gudo iyo dibadba waxa ay Tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Weli Daa’iid Cigaal, Agaasimihii Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo toddobaadkii dhawaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay Jidka isku xidha Berbera iyo Caasimadda Hargeysa. Dhammaan masuuliyiintani waxa ay sidoo kale tacsi taasi la mid ah gaadhsiinayaan shacabka iyo eheladii ay ka baxeen labada marxuum ee kale ee iyaguna shilkaasi ku geeriyooday.
Masuuliyiintani waxa ay saddexda Marxuum Ilaahay uga baryayaan in uu jannadiisa fardawsa ugu deeqo oo ka waraabiyo, ehelkii iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeena sabir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *