Search

Mujaahidkii Qorigu “Muuse Biixi” Ma Noqon Doonaa Geesigii Qalinka Qaranka Ugu Hiiliya. W/Q Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ah musharixii ku guuleystay jagada madaxtinimada dalka, Doorashadii dumuqraadiyada ahayd ee ka qabsoontay dalka 13-11-2017, Doorashadaasi oo ahayd doorashadii saddexaad ee u dhacday nidaamka dumuqraadiyada (Democracy) oo ay dhaman shacbiga ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland codkooda u dhiibanayeen, si ay u helaan masayarkooda siyaasadeed ee ku wajahan musharaxa hogaamin doona dalka shanta sanno ee soo socda, Tartan adag ka dib waxaa jagada madaxtinimada dalka u saraysa ku guuleystay mujaahid aqoon yahan muuse biixi cabdi oo ka mid ahaa mujaahidiintii dalka ku soo xoreeyey qoriga. Kadib dadaal, Samir faro-badan iyo hami siyaasadeed oo fog waxaa uu noqday mujaahidkii labaad ee shacbi weynaha Somaliland soo doorteen tan iyo intii nidaamka dumuqraadiyada uu ka hirgalay Somaliland. Musharax muuse biixi oo dhawaan loo dhaarin doono jagada madaxtnimougu saraysa dalka, waxaa uu ku guuleystay hanashada iyo hogaaminta shacbiweynaha jamhuuriyada Somaliland. Mudane, mujaahid , Aqoonyahan Muuse Biixi cabdi waxaad ku guuleysatay in aad dalka hogaamiso shanta sano ee soo socda, waxaana ku doortay shacbi weynaha jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland, oo cod kood kugu taageeray wakhtigii ololaha (campaign) iyo malintii codeynta (Voting Day), Bulshada kugu taageertay codkoodu waxay kaa dhex arkeen aragti siyaasadeed iyo mustaqbal wanaagsan, waxaana erayadii aad wakhtigii ololaha (Campaign) ka aad ku jirtay carabka ku dhufatay“qaranku wuxuu u baahanyahay qalin qof kastana waxaan ku tix gelin doonaa aqoontiisa, yadoo ay reebantahay ku dhaqanka qabyaalada, xulafaysiga, nin jeclaysiga iyo in shaqsi lagu caleemo saaro aftahnimo, Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in aad golahaaga wasiirada aad ku xusho aqoon, karti iyo waayo aragnimo ay u leeyihiin dalka. Ilahay (SWT) waxa uu quraankiisa ku yidhi miyey siman yihiin kuwa cilmiga leh iyo kuwa jahliga ah. Hadaba manta Somaliland uma baahna siyaasi AF ku xoogle ah, siyaasi oday dhaqameed wado, siyaasi ku caan baxay musuqmaasuq, lunsiga hantida dadweynaha una isticmaala hanti gaar ah oo isagu leeyahay. Mudane madaxweyne qalinka awoodiisa ogow, manta sida aynu wada ogsoonahay aqoonyahankii dalka ayaa marti uga ah mustaqbalkoodii oday dhaqameed iyo siyaasi AF ku xoogle ah.Mudane madaxweyne manta waa malintii aqoontu hadli lahayd xikmadu ay dhegaysan lahayd, aqoonyahankuna ku dhiiran lahaa horumarka iyo cadaalada ay ku taaabsandoonto xukuumada aad gadhwadeenka ka noqon doontid.

“Walle Qalin Daraalaha
Danbi Qaranka Laga Galay
Kama Qariyo Wadhatada”
Mudane madaxweyne ma noqon doontaa xukuumadaadu mid golaha sawiirada ku soo xusha aqoon, waayo aragnimo iyo dal jeclaysi iyoin loo tartamo dhaman shaqaale hoosaadka ka shaqeyn doona xafiisyada xukuumadaada.
“Hadii Qari Wax Dili Jiray
Qabiilo Qaran Dhisi Jireen
Qalinkaa Ka Mudan Mujaahid
Qorshe Qaran Hagi Kara
Qalinkaa Gorfeyn Kara”
Mudane Madaxweyne waxaad ku soo hagaagtay wakhti adag oo duruufihiisa wata dhaman bulshada ku dhaqan Somaliland mii iyo magaalaba ay si ba’ani u saamaysay abaaro (droughts) iyo sixir barar (Inflation) aan xad lahayn. Oo sababay in qoysas ka mid ah bulshada aad madaxweynaha u noqotay ay malintii isticmalaan wax ka yar 10,000 somaliland shilling oo u dhigantan $1, taasi oo ay macnaheedu tahayin uu jiro faqri halkii ugu hoosaysay (Poverty). Faqrigaas oo keeni kara kacdoon iyo mudaharaad laga soo horjeedo sixir bararka iyo dhaqaalaha dalka oo maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii dhacaya.
Ugu Danbayn waxaan qormadaydan ku soo afmeeri doonaa hadii aad mudane madaxweyne sameyso sinaan, cadaalad iyo in wax lagu qaybsado qalin waxaa hubaal ah in xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay ku talaabsan doonto wajiyo cusub oo siyaasadeed iyo guulihii ay muddada badan rajaynayeen dhaman shacbi weynaha jamhuuriyada somaliland, waxaad rajo iyo iftiin u noqotay bulsha weynta somaliland ee quusta ka istaagay ictriaafka. Mudane madaxweyne waxaad nasiib u yeelatay mar labaad in aad somaliland iyo masayrka shacabka aad gacantaad ku gaadhsiiso guushii mudada badan la dhawrayey. Mudane madaxweyne taariikhda Somaliland ayaa hore kuu qortay wakhtigii mujaahidnimada manta waxay ku qori mar labaad hadii aad marto wadada ictiraafka jamhuuriyada Somaliland.
Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)
MA in Project Planning and Management
E-mail:- mohamedxato26@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *