Search

Mujaahid Ooto Biixi Oo Xubnaha Golaha Dhexe Ugu Jira Beesha Arab Ku Dardaaray In Ay Doortaan Dr. Xaglatoosiye

Hargaysa(Foore):-Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto), ayaa waxa uu ugu baaqay Golaha dhexe ee Beesha Arab kaga jira Xisbiga KULMIYE inay codkooda ku soo saaraan oo ay ku doortaan murashaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE ku loolamaya ee Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye).
Sidaa waxa uu Ooto ku sheegay mar uu caawa u waramayay Warbaahinta dalka qaar ka midda, isla markaana waxa uu ku hoga tusaaleeyey inay taariikhdu is-qoreyso .

Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo la dardaarmayay xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE kaga jira Beesha Arab, waxa uu yidhi“Waxaan u soo jeedinayaa 41-ka xubnood ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE
kaga jira Beesha ARAB, waxaan idiin sheegayaa murrashaxeeni Axmed Cabdi Kijaandhe qaar idinka mida ayaa ka raacay Muuse Biixi, inaanu murashaxeenu tartamina waad ku guuleysateen, waxaanse idinkula talinayaa Murrashaxeeni u qaadacay inuu ka qeybgalo tartanka murrashaxnimada Xisbiga KULMIYE idinkaa sababteedana lahaa.taariikhduna iyada is qoreysa.

Hadaba, waxaan tallo idinku siinayaa nimankiini waxaas geystay waxaan idin leeyahay godob aanay reerkeenu ab iyo isir u lahayn ha inoo soo jiidina, ee waxaad si mideysan codkiina u siisaan murrashaxa aynu awoowga u nahay ee Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo u tartamaya jagada Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE haddii kale waxaad noqon doontaan

Ninku kibirku shaanshaan ka riday

Waayo shaxartaan

Misna talada kuma darin

Shiishka soo maqan.” Tuducyadaasi waxay ka mid ahaayeen Gabaygii Shiinleyda ee uu tiriyay Alle ha u naxariiste Gabayaagii weynaa ee umadda Soomaaliyeed Cabdi Iidaan Faarax.

Baaqan Mujaahid Ooto Biixi ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyada oo la filayo inuu maalinta Beri oo Salaasa taariikhduna tahay 10 November 2014 inuu furmo Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo lagu dooran doono Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE uga qeybgalaya doorashooyinka soo socda ee Madaxweynanimada iyo Golaha Wakiillada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *