Search

“Mudane Madxwayne Waxan Kaa Codsanynaa In Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Si Xalaal Ah U Soo Tartamaan”….Xildhibaan Xasan Shahar.

Hargeysa(Foore) – Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar) oo Ka Mid ah Xildhibaanada ugu Miisaanka Culus ee Golaha Deegaan Caasimadda Hargeysa, Kana Soo Jeeda Xisbi Xaakimka talada Dalka Haye Ee kulmiye Ayaa u soo jeediyay Dhinacyada ku hirdamaaya Musharaxnimada kulmiye in sifo sharci ah ugu soo loolamaan Hogaanka Xisbiga iyo musharaxnimadiisa.
Xildhibaanka oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Dawlada Hoose Ee Magalada Hargeysa ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan isagoo arimahaasi ka hadlaya “ Somaliland maanta waxa ay u baahantahay cid daganaashaheedii iyo daacadedii wadata xisbiga kulmiyana hadii kooto lugu dhigo sow dadka lugu qasbi mayo wax aanay raali ka ahayn ama xisbiguba, waxaan leenahay Xisbiga gudihiisa waa in tartanku ku koobnaadaa waanan ognahoo siyaasiyiin miishaan culus leh ayaa ku dhex jira”.
Xildhibaanku mar uu saxaafada si gaara ula hadlaayay waxa uu Yidhi “ waxaan idin kula dardaarmayaa wax kasta oo cadaalada dara ah oo aad aragtaan waa in aad ka midowdaan oo marka idinka laydin xidho uun aydaan hadal oo aydaan waxa sheegin ee dadka lagu dacadiyaayo waa in aad u hadashaan,ilayn waxaad tihiin saxaafadii dalkan iyo dadkane”.
Xildhibaanka oo Madaxweyne Silaanyo Fariin U Dirayaa ayaa Waxa Uu yidhi “ Mudane Madxwayne Waxan Kaa Codsanaynaa in musharaxiintu ay ku soo tartamaan gudaha xisbiga oo aad si cadaalad ah u soo kala saarto,Waxaan jeclahay inaan hadalkayga ku soo gabagabeeyo waar ragan musharaxiinta doonayow yaan reeraha dhexdooda lugula soo noqon mixnad iyo qabyaalada ee ku soo tartama xisbigiina dhexdiisa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Xasan Shahar.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *