Mucjisada Ku Duugan Qabiil Ku Nool Qaaradda Asia Oo Loo Aqoonsaday Kuwa Adduunka Ugu Cimri Dheer, Kooda Ugu Cimriga Gaabani Noolaado 145 Sanadood, Dadkooduna Rag yo Haweenba Ku Dhalaan Illaa Da’da 90-Jirka

Si kasta oo dunidu uga hor martay dhinacyada aqoonta sayniska iyo tiknoolajiyada iyo guud ahaan aqoonta waxa aanu wali aadamuhu helin sirta ku duugan cimriga bani aadamka iyo mudada uu nool yahay oo ah arrin kawni ah oo Ilaahay SWT u gaar ah oo aanay bani aadamku waxba ka fahamsanayn. Waxase wali socda tijaabooyin aan kala joogsi lahayn oo khubarada cilmiga aadamuhu ku hawlan yihiin oo ay mar walba wax kaga ogaadaan xidhiidhka ka dhaxeeya cimri dhererka iyo nidaamka cunto qaadasho ee dadka iyo waliba hab-nololeedka gaarka ah ee dadku ku kala duwan yahay dhinacyada deegaanka iyo hannaankooda nololeed. Iyada oo la sheego dadka inta badan cuntadoodu tahay khudaarta iyo waxa ka soo baxa beeruhu ay ka cimri dheer yihiin kuwa ku nool hilbaha iyo cuntooyinka borotiinku ku badan yahay ee inta badan fadhiya ama aan qaban shaqooyinka gacanta.
33-copy19
Tuulo ku taalla buurtaha xeeliiga dhinaca soke ee Buuraha Himilaya oo juquraafi ah ku taalla woqooyiga dalka Pakistan waxa ku nool qabiilo lagu magacaabo Hunza kuwaasi oo ah kuwo adduunka ka go’an ama go’doon kaga jira maadaama ay ku nool yihiin dhul qarfo ah oo buuralay ah oo aan cidina tagin cidina kasoo bixin. Hab nololeedkooda aadka u fudud ee ku xidhiidhsan deegaanka ay ku nool yihiin ayaa keenay in ay dadka qabiiladaasi Hunza ay ku noolaadaan caafimaad wanaagsan taasi oo keenta in celcelis ahaan cimrigoodu aad u dheeraado laguna tilmaamay in ay yihiin dadka adduunka ugu cimri dheer. Kooxo Khubaro ah oo cilmi baadhis ku wada cimriga dadka iyo guud ahaan dadka adduunka ugu cimri dheer ayaa waxa ay ogaadeen in celcelis ahaan dadkaasi qabaa’ilka Hunza ka soo jeeda ay inta badan celcelis ahaan noolaadaan ugu yaraan 145 sanadood iyaga oo rag iyo haweenba inta badan ku dhala illaa laga soo gaadhayo da’da 90-jirka. Waxa kale oo qabiilka Hunza lagu tilmaamaa dadka adduunka ugu farxad badan. Noloshooda aadka isaga hoosaysa, werwer la’aanta dhinaca quutal yawmkooda iyo hannaankooda nololeed iyo deegaanka nadiifta ah ee ay nool yihiin ayaa keenay in ay noqdaan kuwo farxad badan, taasi oo iyana la ogaaday in ay ka mid tahay sirta cimri dhererkooda. Xanuunada ayaa la sheegay in ay ku yar yihiin qoomkan Hunza. Iyada oo daraasad lagu soo sameeyey lagu ogaaday in aanay gabi ahaanba dadkaasi ku dhicin xanuunada dadak wakhtiga halakeeyey sida wadna xanuunka iyo xanuunada wareegga dhiiga ku dhacaa, sidoo kale Kansarka, Macaanka, Dhiig Karka iyo xanuunada buurnidu keenaan ayaan gabi ahaanba laga aqoon dadkaasi oo aan kuba dhicin waligood.
pr-595-53307
Koox ka socotay Studies in Deficiency Disease oo dhawaan booqasho ku tagay cilmi baadhisna kasoo sameeyeen dadkan ayaa Warbixintooda qabiilka Honza ku sheegay in cuntada ugu badan ee ay qaataan tahay midhaha geedka loo yaqaano mishmash ka oo ay cunaan inta ay qallajiyaan. Sidoo kale waxa ay cunaan nooc ka mid ah kalluunka gaar ahaan ka ay kala soo baxaan webiga ku yaalla deegaankooda iyo waliba khudrado ay beertaan. “Cuntooyinka kale ee ay jecel yihiin ee qabiilka Hunza ay cunaan waxa ka mid ah: khudaarta cagaaran sida baradhada, kaararka ama daba casaha, caleenta doogga ah sida kaabashka iyo salladhka, tufaaxa, Liin macaanta, kamasaraha iyo geedka mishmishka” sidaa waxa yidhi Dr. Henry Astiros oo ka mid ahaa khubaradii dhawaan booqatay qabaa’ilka Hunza kuwaasi oo sheegay in celcelis ahaan qofka qabaa’ilkaasi ka geeriyoodaa aanay da’diisu ka yaraan 90-jir cimrigooduna inta badan u dhaxeeyo 100-145, iyada oo cilmi baadhista qabiilkan lagu sameeyey lagu ogaaday in ay raggooda iyo haweenkoodu leeyihiin awood weyn oo dhinaca ilmo qaadista ama dhalmada ah iyada oo haweenka iyo ragguba ku dhallaan illaa da’da 90-jirka. Waxaanad arkaysaa oday 120-jir ah oo ubadkiisii oo ka ugu yari yahay 90-jir la jooga.
434h3-min




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *