Search

M/Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Ceelo Biyood Ah Oo Laga Hirgeliyey Waddo-Makaahiil

“Waxaad Tahay Madaxweynihii Ugu Waxqabad Badnaa Ee Dalka Soo Mara” Suldaan Ibrahim Sulub

Waddo-makaahiil (Foore)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu shalay ka qaybgalay furitaanka Ceel biyood laga hirgeliyey deegaanka Wado-makaahil horena uu u dhagax dhigay madaxweynuhu ceelkaasi wakhtigii uu dalka ku marayay safarkiisii caan baxay ee dhinaca xuduudda. Madaxweynaha oo shalay subax ka socdaalay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa gaadhay Wado-Makaail oo ka tirsan Degmada Fara-Weyne isaga oo halkaasi kula kulmay soo dhawayn ballaadhan.
Madaxweynaha iyo waftigii la socday waxa loo gudbay goob lagu qabtay xaflada Furitaanka Ceelka, waxaana ugu horayn ka hadlay sheekh Maxamuud Aw Suufi oo uga mahadnaqay xukuumadda uu hogaaminaayo Madaxweynuhu dedaalka ay shacbigeeda u samaysay ee ay ka mid ka yihiin ceelasha iyo kaabayaasha aasaasiga ah ee binu-aadamku u bahaan yahay.
Waxa isna madasha ka hadlay Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in deegaanku helo biyo, Caafimaadka iyo waxbarashada, run ahaantii madaxweynuhu waa shaqsi ku sifoobay wanaag iyo waxqabad xukuumadiisuna waxay ku suntanaan doontaa waxqabad buuxa oo ay dalka u qabteen, run ahaantiina marwalba garabkaaga madaxweyne naga filo oo naga eeg hadii aanu nahay beesha makaahil. Guddoomiyaha Degmada Faraweyne Faysal Maxamed Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey deegaanka Faraweyne hoos yimaadda isaga oo sheegay in degmadu tahay mid si gaara u ilaashata madaxweynaha illaa wakhtigan ilaa wakhtigii mucaaridka. Suldaan Ibraahim Sulub oo ku hadlay afka Salaadiintii ku sugnaa goobta, ayaa xusay in Madaxweynuhu yahay madaxweynihii dalka soo maray ee ugu waxqabadka ballaadhnaa. Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay inay ka qaybgalaan maanta xafladan, deegaankuna uu yahay kii laga soo doortay sannadkana waxaana u ballan qaaday degmada faraweyne Saldhig boolis oo ay kharashkiisa bixindoonto dawlada hoose ee Hargeysi. Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf u tahay xukuumada in maanta ceelkii aynu dhawaan dhagax dhignay uu maanta dhamaaday, dadkiina ka cabayaan, waxanan ogahay in deegaanka dadka kunooli ay yihiin dad wanaagsan oo dawladnimada jecel. Wasiir ku xigeenka Amniga ee Arimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare ayaa hadalkiisa ku bilaabay isna madaxweyne waxa sharaf gaar ah ii ah in deegaanku qireen wixii loo qabtay, waxaanu tilmamay in aanay intaasi ku joogsan doonin waxqabadka degmadu ee ay soo socdaan kuwo kalena. Wasiirka Biyaha Mudane Baashe oo ahaa masuulkii ay xafladani khusaysay madaama oo la furaayey ceel biyood ayaa halkiisa ku bilaabay ceelka waxaanu u samayn doonaa nidaam uu ku shaqeeyo si loogu aayo wakhti dheer waana mid aynu isla qaadan doono insha allaa, deegaankana waxa lagu tiriyaa dhulka oomanaha ah balse waxaynu ku dedaali doonaa in baliyo ama horooyin loo sameeyo laguna dedaali doono marka aynu helno dhaqaale ku filan in aynu ceelal dhaadheer sida kan oo kale loo qodidoono lana gaadhsiin doono ilaa buuhoodle. Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo isna hadlay ayaa yidhi hadalka ku dheeran maayo balse waxa farxad weyn inoo wada ah dhamaanteen xafladan qiimaha badan ee ina kulmisay ee aynu ceelkan xadhiga kaga jarnay waanan idinku ducaynayaa. Ugu dambayn Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo waxa uu u mahadnaqay shacbigii halkaasi ku soo dhaweeyey isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu marwalba heegan ugu jiro sidii u shacbigiisa u barbartaagnaan lahaa waxna ugu qaban lahaa gaar ahaan Arrimaha bulshada ee aas-aasiga ah sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, iyo wixii la mida. Ugu danbayn waxa madaxweynaha iyo weftigiisa qado sharaf loogu sameeyey Tuulada Wado-makaahil.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *