Search

M/Siilaanyo Oo Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Deeganka Ka Diiday Is Casiladiisii

Hargeysa (Foore)- Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu Iscasilaadii ka diiday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga iyada oo aan illaa imika la ogayn sababta uu Madaxweynuhu u diiday is casilaaddaasi.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu diiday in uu ka Aqbalo Istiqaaladii uu Gudbiyey Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Deeganku Halka uu Dhammaan Xubnihii iswada Casilay uu Madaxweynuhu ka wada qablay.
Wasiir Ku-xigeenka Deeganka oo Muddo kooban oo kali ah 4 Billood ah Xilkaasi hayey, ayaa Waxa uu ka soo Jeeda Deeganka Laasqoray ee Bariga Sanaag, waxaanu ka Mid ahaa Xubnihii ugu danbeyey ee Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu soo darro, balse waxa uu Wasiir Ku-xigeenku ka mid ahaa Musuuliyiintii iska casilay Xilkaasi. Waxa la filayaa in Wasiir Xigeenkaasi sii wato shaqada sida warar hoose sheegeen iyada oo aan la ogayn in Madaxweynuhu soo ladqabeeyey.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *