Search

M/Siilaanyo Oo Caddeeyey Mawqifkiisa Muddo Kordhintii Muranka Dhalisay, Una Safray Itoobiya

“Dalku Sharci Ayuu Leeyahay Isagaana La Raacayaa Oo Loo Hogaansamayaa”…M/ Siilaanyo

Hargeysa (Foore)- Madaxweyanaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ayaa sheegay in aragtidiisa ku aaddan Muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyey xukuumaddiisa iyo Golaha Wakiilada uu taageersan yahay sharciga dalka u yaallana la raaci doono oo loo hogaansami doono isaga oo shalay safar ku tagay Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa kaasi oo uu sheegay inay la kulmi doonaan masuuliyiinta dawladda Itoobiya kana wada hadli doonaan maslaxada labada dalka. Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed siilaanyo ayaa sheegay inay waajib tahay in muddo markii la joogaba la booqdo dalalka Jaarka “waxa aanu maanta safar ugu baxaynaa dalka Itoobiya,dalka Itoobiya waa dal wayn oo aynu jaar nahay ,marka muddo la joogaba waa waajib in dalalka jaarka safar loogu baxo oo xogogaal loo noqdo isla markaana labada dal ka wada hadlaan danaha labada dalka,sidaa daraadeed markaa dalkaasi ayaanu safar ugu baxaynaa “Madaxwaynaha Somaliland MD Axmed Siilaanyo. Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo warbaahintu waydiisay ka uu taageersan yahay labada go’aan ee heshiiska xisbiyada qaranka iyo golaha guurtida ayaa si kooban ugu jawaabay in dalku sharci leeyahay isla markaan wax kasta sharciga dalka loo raacayo “dalku sharci ayuu leeyahay,sharcigaana la raacayaa”. Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka:
Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal
Ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *