BREAKING NEWS
Search

M/Siilaanyo Oo Beeshiisa Shir Uu Kala Qayb Galay Burco Kala Dardaarmay Inaanay Doorkan Han Madaxweyne Yeelan Ee Loo Daayo Musharaxiinta Kulmiye Ee Hankooda Iclaamiyay

“Wasiir Xirsi Oo Xubnihii Shirkaasi Joogay Isku Raaceen Inuu Ku Haboon Yahay In Masuuliyadda Xisbiga Kulmiye Loo Dhiibo Mustaqbalka Kuna Ammaanay Shaqsiyad-Wanaag”

Burco (Foore) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa intii uu ku guda jiray safarkiisa uu ugu maqan yahay Gobolada Bariga Somaliland waxa uu Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer kaga qayb galay Shir Duceed qarsoodi ah oo beeshiisu ku qabsatay, kaasi oo la sheegay in aad loogu falan qeeyay laguna lafo guray dhawr arimood oo ay ka mid yihiin Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye iyo cida Hogaanka u qabanaysa,Sidoo kale waxa Kulankan lagu soo qaaday musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee tartanka Madaxweyne ee Siilaanyo Dabadii ee hankooda iclaamiyay.
Shir Duceedkan Beesha Madaxweyne Siilaanyo Burco ku qabsatay ayaa waxa uu ka qabsoomay sida lanoo xaqiijiyay Guriga Martida ee Gobolka Togdheer waxaana shirkaasi Madaxweyne siilaanyo ka sokaw ka qayb galay Xubnaha Beesha Habarjeclo kaga jira Dawlada sida Wasiirada,Agaasimayaasha iyo Xubno Xisbiga Kulmiye ku jira. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu waftigii uu hogaaminayay uu habeenimadii uu Burco u hoyday si qarsoodi ah kaga tagay Huteelkii ay deganaayeen,dabadeedna uu shirkaasi oo uu hore u ogaa kala qayb gala qayb galay beeshiisa.bilawgii kalfadhiga ayaa waxa si adag looga dooday Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye iyo shaqsiga ku haboon in Gudoomiye looga dhigo,Shanta Sanadood ee Socda, waxaana Dood iyo Araar kadib la isla meel dhigay oo xubnihii ka qayb galay badi soo jeediyeen inuu ku haboon yahay oo uu Xisbiga dhisi karo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shirkaasi joogay.
Inkasta oo loo balamay sida la sheegay in la iskugu yimaado Kulan dambe oo kaasi ka balaadhan,hadana waxa kulankaasi si rasmi ah la iskula afgartay in la tixgaliyo soo jeedimaha iyo aqlabiyada doodu halka ay u jeeday kulankaasi. Waxa kale oo Xusuus mudan in Kulankaasi Beesha Madaxweyne Siilaanyo iskula meel dhigeen inaanu shaqsi beesha ka tirsani doorkan u hanqal taagin,iskuna soo taagin Musharaxnimada Madaxweyne ee Siilaanyo Dabadii, islamarkaana loo daayo oo beeshu dhisto Musharaxa ay iska soo dhex saaraan ama ka soo dhex baxa Beelaha Sacad Muuse,oo hore Abaal u gashaday,iyadoo halkaasi lagu soo hadal qaaday oo si weyn loogu kala aragti duwanaaday musharaxiinta Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee hankooda iclaamiyay ee ka soo jeeda Beesha Sacad Muuse, ee kala ah Wasiirkii hore Wasaarada Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale,Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Soo jeedimo badan oo nin jeclaysi ku salaysnaa oo shir duceedkaasi lagu dhagaystay ayaa dadkii soo jeediyay waxay kala taabacsanaayeen Saddexdaa Musharax,balse waxa aakhirkii soo gunaaday oo doodahaasi soo afmeeray Madaxweyne Siilaanyo oo loo dhiibay go’aanka, loona sheegay inuu saddexdaasi nin kala saaristoodu isaga u taalo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida la sheegay Aaraa Dheer iyo haga tusaalayn kadib waxa uu Xubinihii Beeshiisa ee shirkaasi ka qayb galay u sheegay inaanu saddexdaasi nin u kala godob galayn oo aanu halkan iyo meel kale toona ku kala saarayn,balse ay u taalo arintaasi beesha ay ka soo jeedaan oo uu ka dhursugayo inay u keenaan shaqsi ay isku raacsan yihiin iyagoo gacmaha ishaysta,hadii taasi la waayana loo dayn doono inay Xisbiga Gudihiisa ku soo kala baxaan,waxaanu ku adkeeyay Beeshiisa inaanay faraha lagalin tartanka Saddexdaasi nin dhexyaala ee Hankooda siyaasiga ah ku qotoma,waxaanu gabo gabadii sheegay inuu isagu Ixtiraam iyo qadarin u hayo Saddexdaasi Musharax ee hankooda iclaamiyey oo uu ku tilmaamay rag muxtarim ah dhammaantood.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *