Search

M/Siilaanyo Iyo Waftigiisii Oo Lagu Soo Dhaweeyay Deg. G/adag Xalayna U Hoyday Ceel Af-weyn

Gar-adag (Foore)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Oo Sii wata Safarada Uu ku marayo gobolada bari ee dalka ayaa shalay Galab si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Garadag ee gobolka Sanaag xalayna u hoyday isla Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag safar qaatay muddo maalmo ah oo uu ku marayo gobolada Bari ee Somaliland isaga oo ku sii wajahan Caasimadda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Madaxweynaha oo shalay subax ka ambabaxay Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa soo dhaweyn ballaadhan kala kulmay Bulshada ku dhaqan degmada kuwaasi oo ku soo dhaweeyey Madaxwaynah iyo waftigiisa si aan hore loo arag ,waxaana lagu galbiyay fardaha ay caanka ku yihiin guud ahaan shacbiga gobolka Sanaag ,waxaana uu madaxwayne siilaanyo ka mahadceliyay soo dhawaynta baaxada leh ee uu kala kulmay shacbiga xariirta ah ee degaanka gar’adag. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa xalay u hoyday degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag. Xamaasadda reer Sanaag ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay mid dabada ku haysa sida uu Madaxweynuhu ugu dhiirraday dhismaha jidka laammiga ah ee isku xidha Ceerigaabo-Burco.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *