Mo Faarax Oo Mar Kale ku guulaystay biladdii Labaad ee 5 kun ee Meter ee oroddada iyadoo ay ku jireen dhamaan ciyaaryahanadii ugu Adkaa orodada Aduunka

 London ( Foorenews) Mo Faarax oo ka wadanka Ingriiska kana so jeeda Somaliland ayaa ku gulaystay dahabkii labaad kadib markii siwayn u muquuriyay oradyahanadii kasoo jeeday wadamada Kenya iyo Itoobiya oo looga hadhay oraddada 5000 Meter, Mo faarax oo aad moodayso inuu markan aad looga taxadirayo ayaa si wayn uga soo dhexjiidhay orodyahanadii la tartamayay markii 200 meter ka hadheen dhamaadkii oradka , halkaasoo ay siwayn ugu daba jireen oradyahanda ka soo jeeda Kenya iyo dalka Itoobiya. 

Mo Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa hore ugu guulaystay bilada orodka 10000 Meter oo aan taarrikhda wadanka Ingiriiska aanay hore u qaadin intii ciyaaraha Olambikada la bilabay. 

Mo Faarax ayaa si wayn caan uga noqday dhamaaan shaashada caalamka kadib markii mudoooyinkii ugu danbeeyay uu guuullo isadaba jooga u soo hooyay dalka Ingiriska oo uu calankiisa uu ku ordayo. 

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *