BREAKING NEWS
Search

M/Ku xigeenka oo Lacag Guddoon siiyay dhaawacyadii ciidanka qaranka iyo maleeshiyada Buuhoodle

Hargeysa (Foore- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicii) ayaa maanta Booqday dhaawacyadii ku dhaawacmay dagaalkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Sool-joogto oo ku yaala duleedka magaalada Buuhoodle. kaasi oo u dhaxeeyay ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo Nabad diid ah.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu cisbitaalka magaalada Burco ku Booqday 40 qof oo iskugu jira dhaawacyadii ciidamadda qaranka iyo dhaawacyadii maxaabiistii laga soo qabtay maleeshiyadda nabad diidka ah, waxaanu halkaasi qofkiiba ku gudoon siiyay hal malyan oo shilin oo u dhiganta 160 Dollar.

Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu dhaawacyadii uu booqday ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu tilmaamay in dhaawacyada dalka waxba loogu qaban kari waayo loo diri doono meeshii la geyn karaba.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inuu ka xun yahay dagaalka ay koox qurbo-joog ah ka wadaan deegaanka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ka soo wada jeedaan Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu xusay in xukuumadiisu ay mar kale ku celinayso baaq nabadeed iyo in wada hadal xal lagaga gaadho shaqaaqada ka aloosan Buuhoodle.

waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenka socdaalkiisa ku weheliyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq iyo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *