BREAKING NEWS
Search

Milicsiga Taariikhda Faneed Ee Cabdi Cali Bacalwaan: Mid Ka Mid Ah Fannaan- iintii Loogu Jeclaa Hoballada Waaberi – Q:3aad

Kooxda ciidanka Milatariga markaa waxa ka mid ah fannaanadda weyn ee Saynab Xaaji Cali Baxsan, waxa kale oo ku jira Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan Askari) oo ahaa abwaan weyn, sidoo kale waxa ku jira Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub), Abwaan Cali Diiriye (Cali Gaab) ayaa ku jiroo. Kooxdu markaa waa kooxdii nambarka koowaad ahayd ee fanka ahayd. Markaa kooxdu waa koox Milatariga ah oo qaybteeda Fanka ah waxaanay yidhaahdeen inankaa yar annaga ayaa qaadanayna”
Fannaanka caanka ah ee Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu sidaasi ugu biiray sannadkii 1966-kii kooxdii ciidanka Xoogga Dalka ee Milatariga dawladdii Soomaaliya ee wakhtigaasi oo sida uu sheegay fannaaniin iyo Abwaanno caan ahi uga soo horreeyeen. Fannaan Bacalwaan oo arrimahaasi iyo sidii kooxdaasi loogu soo dhaweeyey ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Kooxdii ciidanku sidii aan ka filayay iyo si ka wanaagsan ayay ii soo dhaweeyeen. Si weyn bay ii qaabileen. Hawsha ayaan dhinacayga ka galay oo waxa aan ka mid noqday heesaaga iyo Jilayaasha kooxda. Ragga I gacan qabtay ee sida weyn ii soo dhaweeyey waxa ka mid ahaa Abwaanka weyn ee Maxamuud Cabdilaahi Ciise ‘Singub’. Waxa aan noqday nin wanaagsan oo Jilaa ah (Actor) sidoo kale riwaayadaha wax ka sameeya oo heesaha qaada. Markiiba kooxdii waynayd waan dhex galay oo waan la qabsaday”.
Intaa kadib Fannaanka weyn ee caanka ah Cabdi Cali Bacalwaan waxa uu ka warramay Riwaayaddii ugu horraysay ee uu ka qayb galay waxaanu yidhi: “Riwaayaddii ugu horraysay ee aan ka qayb galay waxa la odhan jiray ‘Naxdin iyo Nasiib’, Riwaayadda ku xigtay waxa ay ahayd Biif-baaf, sidoo kale waxa ku xigtay Riwaayaddii caan baxday ee ‘Wad iyo Wacad’ oo uu lahaa Abwaankii weynaa ee Cismaan Aadan Xuseen ‘Cismaan Askari’. Waxa kale oo ku jiray oo Riwaayadihii ugu horreeyey ahaa Riwaayado badan oo Milatariga la xidhiidha maadaama aannu ahayn kooxdii Ciidanka Milatariga. Riwaayadda caanka ah ee ‘Wad iyo Wacad’ heesaha ku jiray waxa ka mid ahaa:
‘Inanyahay Heedhe Inanyahay,
Indhahaygii Baad Tahay,
Ifka Intaan Ku Noolahay
Ku Illaawi Maayee,
Arwaax Hadduu Ku Jecel Yahay,
Lama Uur Adaygee,
Ogoloow Sidaan Rabo’
Heestan waxa wada qaadayay aniga oo Bacalwaan ah iyo Fannaanadii waynayd ee Saynab Xaaji Cali Baxsan. Baxsan ayaan jecelahay markaa oo aan khasbayaa iyana waxa ay leedahay iga tag oo way I diidaysaa. Wakhtiga Riwaayaddaasi aanu dhigaynaa waa 1971-kii Bishii koowaad ee sannadkaasi”.
Fannaan Cabdi Cali Bacalwaan iyo kooxdii uu ka mid ahaa ee Ciidamada Xoogga Dalku waxa ay ka mid noqdeen saddex kooxood oo kala duwan oo Fannaaniin ahaa oo la isku daray sannadahaasi kadibna loo bixiyey Magaca ‘Waaberi’ waana kooxdii ugu weynayd Fannaaniinta ee heer qaran nooqtay. Waxa ay saddexda kooxood kala ahaayeen 10 xubnood oo laga keenay kooxdii Radio Muqdisho, 10 xubnood oo laga keenay kooxdii Radio Hargeysa iyo 43 Xubnood oo ka yimid kooxda Bacalwaan ka mid ahaa ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Fannaanka oo arrintaasi sii faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Kooxda Waaberi aasaaskeedu waxa uu noqday 43 Xubnood oo isugu jira Fannaaniin, Heesaa iyo Jilayaal kuwaasi oo ka soo wareegay kooxda Ciidanka Xoogga, 10 Xubnood oo Radio Muqdisho iyo 10 ka soo wareegay kooxdii Radio Hargeysa intaasi oo la isku daray ayaa noqotay kooxdii Waaberi. 63-kaasi Xubnood ayaa lagu aasaasay Waaberi. Markii dambe wixii gadaal kaga soo biiray maan sheegine, waayo boqollaal ayay noqdeen markii dambe oo kooxdu way waynaatay. Sidaasi ayaan kaga mid noqday xubnihii lagu aasaasay kooxda caanka noqotay ee aad maqasheen ee Waaberi.
….La Soco Qaybo Kale Cadadka Khamiista




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *