Mid Ka Mid Beelaha Ugu Tunka Weyn Bariga Burco Oo Fariimo Adag Ukala Diray M/Siilaanyo Iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Burco (Foore) – Mid ka mid ah Beelaha Ugu Awooda culus Bariga Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco oo ku soo biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa talooyin dhaxalgal ah u soo jeediyay Madaxweyne Siilaano Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Waxa ay carabka ku adkeeyeen inay gabi ahaanba taageeradii ay u hayeen Kulmiye ula wareegeen Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxa ay u soo jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo inuu dhex u noqdo tartanka Axsaabta Qaranka,Waxay sidoo kale Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu ka ilaaliyo in Hantida Qaranka loogu ololeeyo Xisbiga Kulmiye,Waxa ay ku amaaneen Madaxweynaha Taariikhda dahabiga ah ee uu ku suntan yahay ee dalkan uu u soo galay,Waxaanay si adag ugu soo jeediyeen inuu iska ururiyo inuu ukala hiiliyo Xisbiyada tartamaya“Waxaan Halkan Fariin Uga Dirayaa oo aan u sheegayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Waa Madaxweyne Sharafleh,Waa Madaxweyne Taariikh Ku Suntan,Laakiin Waxaanu U Sheegaynaa,Madaxweyne Dhex ayaad tahay,Yaan lagu ololaynin Hanitida Qaranka,UDUB Wixii ka raacay Waa la ogaa,Una Malayn maaynu inaad ka yeelayso,Madaxweyne Adigana waanu Ku Mahadinaynaa,Cimrigaagu haraago ayaan ku leenahay,Cimrigaagu haraago ayaanu ku leenahay”.
Waxa kale oo ay Fariin culus u direen Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ahna Musharaxa Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi,Waxa ay ugu baaqeen inaanu cidna isku halayn,oo dawlad lagu gabanayaa aanay jirin,waxa ay ugu baaqeen inuu garoonka ciyaarta isku soo diyaariyo,waxa hadaladooda ka mid ahaa “Waxa kale oo aan leeyahay,Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi,Cid U xidhani Xisbiga Kulmiye majirto,Dawlad lagu Gabanayaana Majirto,Waa la tartamayaa,Adiga Oo Keli ah maaha, Xisbiyada oo dhan ayaa tartamaya,Tartan u diyaar garaw,Waxaad odhan jirteen,Waa inoo garoonka,Maanta waxaanu idin leenahay Waa inoo garoonka”.
Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tan iyo markii u qabtay xilkaasi ee uu hankiisii u raray Xisbiga WADDANI,Waxa si isdaba joog ah Xisbiga WADDANI ugu soo biirayay oo Munaasibado loo qabanayaa Taageerayaal mugleh oo ka soo jeeda Beelaha dega Bariga Burco oo markii hore taageeeradooda uu ku xisaabtami jiray Xisiga Talada Dalka haya ee Kulmiye.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *