Search

Mid Ka Mid Ah Labadeeda Kelyood Ayay U Xaraashaysaa Si Ay Isaga Bixiso Kharashka Meherka Wiil Ay Jeclaatay- Qiso Xanuun Badan Oo India Ka Taagan

Waxa ay noqotay qiso xanuun badan oo in badani la ilmeeyeen kadib markii haweenay dhallinyaro ah oo Hindiya u dhalatay ay cisbitaal tagtay si ay uga dalbato in laga iibsado mid ka mid ah labadeeda kelyood si ay isaga bixiso kharashka meherka wiil ay jeclaatay markii reerkoodu ninkaasi u diideen.
Waxa lagu tilmaamay mid ka mid ah haweenka taariikhda u dhigay dhinaca jacaylka kadib markii la ogaaday in Jaceylkeedu aanu wax xuduud ah lahayn maadaama ay xitaa damacday in ay hal kelli iska iibiso si ay nin ay jeceshahay ugu guursato. Waxa ay noqotay arrin lala yaabo maadaama ay xubin muhiim u ah jidhkeeda u iibisay sidii ay ugu heli lahayd nin ay jeceshahay.
Waa habeenay da’da yar oo la sheegay in ay jirto 21 sannadood, una dhalatay waddanka Hindiya oo ku nool deegaanka Bihar, waxa lagu magacaabaa Bijan sida la sheegay hore ayaa loo soo furay, waxaana ay timid Cisbitaal ku yaalla magaallada New Delhi ee caasimadda Hindiya si ay iib ugu hesho hal kelli oo ay Cisbitaalka ka codsatay in laga saaro kadibna loo lacageeyo, iyadoo xilligaasi qorshaheedu ahaa in ay hesho lacag dhan 1.8 Rubis oo u dhiganta 2,668 dollar si ay ugu guursato wiil ay jeclaatay.
Markii ay Isbitaalka timid haweenaydani ayaa waxaa loogu yeedhay lambarka dumarka caawiya ee 181 Women Helpline, waxaana lagu war geliyay booliska kadib markii looga shakiyay in ay si sharci darro ah uga ganacsanayso kelyaheeda taasi oo ay kaga jawaabtay in aanay wax ganacsi ah u samaynayn arrinkaasi ay samaynayso balse ay kaliya u go’aansatay in ay sidaa yeesho sidii ay u guursan lahayd ninka ay calmatay ee ay doonayso in ay nolosha la wadaagto.
Sida ay ku soo warramayaan warbaahinta dalka Hindiya, Kooxda DCW ayaa soo gaadhay Cisbitaalka oo waraystay haweeneydii, waxaana ay u sheegtay in ay ka soo carartay deegaankeedii Gobolka Bihar kaddib markii reerkeedu u diideen wiil ay jeclaatay, sidaa awgeedna ay Cisbitaalkan u timid si ay u iibsato hal kelli oo ay meherkeeda isaga bixiso. Maadaama dhaqan ahaan waddanka Hindiya ay habluhu iska bixiyaan kharashka meherka ee guurkooda.
La taliyeyaal dhinaca booliska ka socday ayaa kula taliyay gabadhan in ay dacwad ku soo oogto ninka ay sheegtay inay guursanayso, balse way diidday waana la fasaxay, maalmo kadibna Booliska ayaa warbixin u diray qolyaha u dooda xuquuqda dumarka ee Gobolka Bihar iyagoo ka codsaday in ay ka caawiyaan gabadhaasi sidii ay kiis dacwad ah ugu soo oogi lahayd ninka xidhiidhku ka dhexeeyo balse wali gabadhii ayaa ku adkaysanaysa in ay kellidaasi iibiso si ay ninkaa ugu mehersato.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *